Mourinho Oo Ku Wareersan Qaabka uu Uga Horgatayo Barcelona
Macalinka Kooxda Real Madrid Mourinho ayaa ku wareesan Kulanka kale ee darbiga ah ,kasoo ay isku arki dooanaan Naadiyada Barcelona iyo Real Madrid, tababaraha Real Madrid ayaa si weyn uga fikirayo qaab ciyaareed ka duwan kuwiii uu hoary ula ciyaari jiray ,isagoona ka walwalsan cida uu difaac ka dhigayo kulankaasi.
Real Madrida ayaa lagu wadaa in maalinta axada ah ay la ciyaarto Kooxda Barcelona oo ay ugu tageyso Gurigeeda ee Camp Nou waa markii 7aad ee real Nardid ku ciyaarto garoonkaasi tan iyo markii Mourinho uu macalin u noqday,iyadoona ay kala soo kulantay Sedex guul daro oo kala haa (Labo Supercopa ah iyo hal horyaalka ah oo ay ku jirto guushii caanka aheyd ee Barcelona ay ku badisay 5-0).
Sidoo kale labo jeerna waxeey ku gashay barbar dhac (Copa del Rey iyo Champions League) iyo hal guul ( oo xilli ciyaareedkii hore ah markaasoo Khedira iyo Ronaldo ay goolasha u dhaliyeen Madrid).
Dhamaan ciyaarahaas ay Madrid ku ciyaartay Camp Nou tababaraha reer Portugal marnba ma uusan isticmaalin qaab ciyaareedka aadka looga yaqaano Spain ee seddexda burburiye ee khadka dhexe oo af Isbaanish lagu yiraahdo ‘trivote’.
Sida kulamadaas laga dheehan karay, Mourinho waxa uu Marcelo ka doorbidaa Coentrao, halka booska burburiyaha ay ka ciyaarayaan Alonso iyo Khedira, waxaana uu weerarka u adeegsadaa Di Maria, Ozil iyo Ronaldo, iyadoo Benzema loo xusho gooldhaliyaha.








