Dumarka Soomaalida ah oo Mustaqbalkooda Mugdi sii Galaya .. (waa maxay sababta)‏

Gabdhaha ku dhaqan soomaliya ayaa waxa ay ka sheeganooyaan mustaqbalka dhow oo mugdi ku jiro kadib markii loo guurinayo ayna ogtahay wiil aysan raali aheyn qasabna ay ugu darayaan reeraha ay ka dhalatey iyadoo wiil kale jecel aad iyo aadna ugu xun waxa ay reerkeda ku dhaqaaqayaan iyo iyadoo aaney lala tashan maalin jimcana la keeno wiilkii loo guurin lahaa mar marka qaarna iyadoo la tusin wiilka phone-ka lagala hadashiiyaa laguna dhahaa waa wiilkii aad mustaqbalka la wadaagi laheyd.

Gabdha somaliyed ayaa badankood waxey neceb yihiiin wiil aysan aqoon in loo guuriyo mustaqbalka kuwana ay ku dhahayaan  lacag ayaan doonayaa kuwana reerahooda baari u ah wax waliba u ogalaato ay waalidka  usoo bandhigaan , gabdhaha aan ogeyn madax geliska ayaa waxey tiradooda gaareysaa 76% markii ay ka baxsan waayaana reeraha ay tahriib dhulka ah soo galaan rafaad ay ka marayaan safarkooda markii aad weydiisanaa maxaa kugu qasbey waxey kugu dhaheysaa waxaan kasoo fakatey cideyda sababtoo ah waxey illa rabeen wiil aan aniga raali ka aheyn.

Taasna waxey sababtaa gabadha in qudbi saro ku guursato wiil ay jeceshahay iyo mid aysan jecleyn caruurna ugu dhasho meel aan qoskeeda ka war heyn Mar aan wax ka weydiiyay Fadumo axmed yare su’aal aheyd Maad Runta u sheegtid oo aad ku dhahdid hooyo iyo aabo aniga ma ogali nin aan raali ka aheyn waxey ku jawaabtey Fadumo ( Walahi walalkeygoow aniga ma jecli inaan waalidkey isku dhacno mar ayaan isku dhacney taaas oo aheyd tan oo kale waxaana ku muteystay 3beri oo xabsi guri ah iyo cuno la’aan maalintii ugu danbeeysana aabe ayaa ii arxamey kuna dhahay hooyo gabadheyda wax aysan rabin laguma qasbayo maantana aabe ayaa wato wiilka la ila rabo ).

Waxaa laga deyrinaayaa Mustaqbalka gabdhaha soomaliyed waxana laga yaaba gabadha sidaas loola dhaqmey iney farxad la wadaagi weyso asxaabteeda jaceylka ku gursadey aysan ka qeyb gelin aroosyada jaceylka guurka la dhiganayo oo kale in aysan gurigeedaa niyad sami aysan ku joogin meel laga heysto mar walibo murugo aan dhamaan ay noqoto areebo an wax qabsan laga yaabo in bil un la qabo madaxedana horteeda loogu daadiyo taasna ay ceeb ku tahay waalidka gabadha dhaley wiilka furayna gabadhooda uu aflagaado kaga dul dhaco,

Waxaa Nasiib xumo ah gabadha mustaqbalkeeda iney ku weyso wax dhan 1bil adna waalidow aad ka fikirto soorada aad deynta isaga dhiibeyso hadii aad sabarto waaxaa laga yaaba gabadhaada iney qani noqoto nin wanagsan uu kaa gursado adna ku ixtiraamo… Dhamaad.

Maxamed Xasan Xusein ( JaPan )

 

Source:Marko Media


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. hussein says:

    asc arinkaan hadaan fikir kadhibto waxay ilatahay ninka maqaalkan qoray waxbadan ayuu kuqaldan yahay sababtoo ah waalidka asagaa owladisa kaa jecel mana udoorayo qof uu xuman ku ogyahay gabadhisa hadii la isbarbardhigo kuwa aadleedahay jacayl bay iskuguursadeen iyo kuwa waalidkoda isudooray yaa noolala habi ah kunol waxaa 100 kiiba 100 kuwa waalidkood isudooray raalinakayihiin waxa aad adiga jacayl utaqanidna waalugooyo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Baarlama Dhagayso:- Xildhibaan Cabdi Barre oo kamid ahaa Xildhibaanadii Mooshinka waday oo si kulul u eedeeyay Madaxda Dowladda
- May 22, 2013
Mid kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka ka waday Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Saacid oo Saxaafadda kula ...
IMG_2055 Dhagayso:-Baarlamanka Somaliya oo Laalay Mooshinkii laga keenay Saacid
- May 22, 2013
Kulan ay maanta ku yeesheen Xarunta gollaha shacabka Magaalada Muqdisho Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa ...
PM AU Dhagayso+Sawiro:- Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Africa
- May 22, 2013
Muqdisho, 22, May, 2013.... Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ...
31 Dhagayso:- Haweenka Puntland oo Tageeray Jubbaland edeyna ujeediyeey Odayaasha Beelaha Hawiye
- May 22, 2013
Iyadoo 15 Bishan May Lagu Doortay Magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland Iyo Ku Xigeenkiisa Ayaa ...
Militants of al Shabaab ride on pick-up trucks after displaying their weapons on the outskirts of Mogadishu Dhagayso:- Al-shabaab iyo Xoolo dhaqato dagaal ku dhex maray gobolka Hiiraan.
- May 22, 2013
Deegaano dhinaca galbeed oga yaala Magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaasi oo xad ...
Digil Dhagayso:- Nabadoon Yusuf Warsame oo baaq u diray Beellaha Sade Bari
- May 22, 2013
Nabadoon Yuusuf Warsame Shire oo kamid ah Salaadiinta ku dhaqan degmada Caabudwaaq ee waqooyiga ...
1240 Dhagayso:- Ugaaska Carab Somali “Sharciga ma qabo Sadex nin oo Daarood ah in la isku xijiyo, kaan soo wadno Majeerteen baan ka dhigaynaa”
- May 22, 2013
Ugaas C/qaadir Mubaarak Faarax Ugaaska Beesha Carab Soomaali ee deeganada Jubbooyinka oo isagoo ku ...
Xaadd Dhagayso:- Odayaasha Beelaha Hawiye oo Mooshinka Xukuumadda mar kale ka digay
- May 22, 2013
Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed  Xasan Xaad ayaa ka digay ...