Nin Xaaskiisa u Dilay si naxariis dara ah kadib Markii Facebook Profile-keeda ay ka dhigtay Single ama in aanan la qabin
Weyne Forrester oo ah 34 jir ayaa Booliiska dalka Ingiriiska ay gacanta ku dhigeen wax yar kadib markii uu xili aroor hore ah uu si naxariis dara ah u dilay xaaskiisa oo laba caruur ah u haysay kadib markii Facebook profile keeda ay ka dhigtay Single ama in aanan la qabin.
Emma oo ah xaaska dhimatay oo iyana 34 jir aheyd ayaa ka careysiisay ninkeeda oo maalmo ka hor geerideeda guriga ugu guuray kadib qilaaf yar oo u dhexeeyay ayaa ugu dambeyn sabab satay badel ay ku sameysay profile-ka facebook geeda oo ay ka dhigatay Single oo ah in aanan la qabin kadibna ninkeeda oo soo arkay uu ku soo weeraray gurigeeda halkaasna uu ku dilay.
Haweenaydaan oo deganeyd xaafada Croydon ee koonfurta London ayaa ninka dilay oo ah ninkeeda waxaa ay u haysay laba caruur ah waxaana uu dilkeeda u adeegsady mindida hilibka lagu jarjaro oo jikada uu ka soo qaatay isagoo ka galiyay dhabarka iyo goorta.
Wararka waxaa sidoo kale ay sheegayaan in Ninka dilka geystay uu aad u cabsanaa qamri, islamarkaasna uu soo isticmaalay daroogada Cocaine markii uu dilaayay xaaskiisa oo aheyd xili aroor hore ah oo aysan wali ka kicin jiifka.
Inta uu san dilin ka hor ayaa la sheegay in uu si arxan dara ah u garaacay oo timaha intuu ka qabtay hadba dhinac u tuuray kadibna uu soo qabsaday mindida jikada oo uu ka galiyay dhabar iyo goorta halkaasna ay ku naf baxday.
Dadka dariska la ah oo ku soo baxay oohinteeda ayaa arkay ninkeeda oo fadhiya guriga hortiisa oo wada dhiig ah kadibna waxa ay u waceen booliska oo halkaas ku qabtay meydkiina u qaaday isbitaalka.
Ninkaan oo 15 sano ay wada noolaayeen xaaskiisa uu dilay ayaa maxkamada ka hor sheegay in uu jeclaa xaaskiisa laakiin facebook ay ku waalatay ilaa heer ay ku qasabtay in uu guriga isaga guuro kadibna waxaa ay fariimo facebook ah ugu sheegtay qof walba in aan kala tagnay iyadoo profile-keedana u badeshay Single ayuu yri.
Balse garsooraha oo la hadlay ayaa u sheegay in dhamaan waxyaabaha uu ka hadlay aysan waxba ka badelaynin dambiga uu gaystay oo ah dil maxkamadana ay ku ridayso xukunka uu mudan yahay oo ahaa xamsi daa,in.
Forrester oo maalma ka hor ka guuray guriga ay xaaskiisa wada deganaayeen ayaa arkey Profile ka xaaskiisa oo ka badeshay in ay is qabaan oo ka dhigatay in aaanan la qabin isagoo ku sugnaa guriga kale ee uu dagay kadibna waxa uu si aad ah u cabay qamri iyo daroogada loo yaqaano Cocoine oo uu doonayay in uu isaga maaweeliyo carada uu ka qaaday balse markii dambe waxa ay tustay in uu gurigeeda ugu tago oo uu soo dilo sidaas ayuuna ku dilay xaaska caruurta u haysay.









kolee waxan is leyahay ninka waxas sameyey waa gaal aan imaan lahayn mida kale ma ahayn inuu dilo afadisa si walbo ay u qaldantahay balse waa qadar waa u qornee inuu sabab u noqdo xaaskiisa.
asc walaal fimtaa ninka asiga ayaa dhalay aniga iyo asiga ayaba hooyo iyo aabe u ah hataa DNA waan maray aniga halkan waan ka maran ninkeygane wuu maraywaxay megrationka lee yihiin 2 sano wax ka yar ayaad isla jogteenU codee: 0 0
waxaan filayaa aritna ku saabsan ragga la qabtay ee wax maleegayey aysan waxba ka jirin iyadoo u jeedadu tahay in gogol xaar loo sii sameeyo aritna la weydiiyey hay,ada socdaalka ee ahayd maxay ku dhacday kun iyo shan boqol oo qof oo dna laga qaaday in loo diido in reerahooda lala mideeyo maadma ay cadahay in ay yihiin dadkii saxa ahaa iyadoo jawaabtii la jaray markii ay jiq ku noqon lahayd wax uu ku jawaabna haynin kashifaadna ay u keenayso wadanka iska sheegta inuu dimqraadi yahay ee sweden kana heer hooseya sinbabwi inuu sii sameysanayaan qiil ay ka hormariyaan jawaabta iyo is difaaca soo socda waxay food saar ka dhigtaan si ay taageero u helaan aritna cusiriyadana mar marsiyo u helaan .U codee: 1 0