Wadaadow ma ahan waqtigaagii?
Ma ahayn waqti aad u dheer markii qofku haduu qaato magaca wadaadnimo, sheekhnimo, macalinnimo, ay ahayd mida haysata tixgalinta ugu saraysa ee qof soomaali ah helikaro mana ahayn magac qof waliba la siin karo ama la siiyo qof aan mudnayn, waxay ahayd darajo dad aad u yar ay leeyihiin,dadka intiisa kalana ay ku ixtiraamaan in kastoo ay jirtay cilmi la,aan iyo walibna ayadoo dood ka timid caqiidadooda saxnimadeeda hadana dadka intooda kale waxay ku qanacsanaayeen magaca ay wataan.
Hadaba arintaas waxaa badaley mid kale taas oo ah in dadkii intiisii badnayd u soo jeestaan barashada diinta taas oo markii hore aan lahayn mudnaan gaar ah ama tixgalin saas u badan, arintaasna waxay keentay dib u eegis lagu sameeyey dad badan oo magacyadaas haystay ay noqdaan kuwo magac ahaan u haystay, waxaa yimid khilaaf iyo is qabqabsi baahsan, waxaana arintaas ku guulaystay da,yartii dadaalka badan galisay barashada cilmiga dinnta ,waxaana mar qura arintii la wareegay culumo casri laguna yaqaano cibaado iyo caqiido sax ah.
Tusaale ma dheerayn markii aan la heli karin ama ay yarayd gabar ama qof dumar ah oo xijaab wadata maantana waxaa umada dhexdeeda ceeb iyo wax lala yaabo ku ah in ay suuqa marto qof dumar ah oo aan xijaab wadan ama aan asturnayn dabaalina jirkeeda shardina uma ahan inay taqaano diinta qofkaas,taas oo dadka badankiis ay ku qanacsan yihiin.
Ayadoo arintu sidaas tahay dad badana ay barteen cilmiga diiniga ah baa hadana waxaad moodaa arintaas iyo magacaas wanaagsanaa uu sii yaraanayo, waxaana loo aanaynayaa arimo dhawr ah,waxaana ugu muhiimsan kuwaan hoos ku qoran;.
!)-Culumadii oo xaga ciidanka siiyey mudnaan dheeraad ah waxayna ka qayb galeen dagaalo badan oo ka dhacay 22 sanadood ee ugu danbeeyey gudaha dalka taas oo dad badan ka leexisay wanaagii ay u hayeen.
2)-Waxaa aad u batay kooxo badan oo dhamaan wata magaca ururo diineed oo aan horey loogu aqoon umadda dhexdeeda, waxaana arintaas dad badan u arkeen in wadaadadu ayagu wax doonayaan oo aysan waxba u ogolayn cid aan ururadooda ku mabda ahayn.
3)-Waxaa batay khilaaf iyo isqabqabsi dhexdooda ah taas oo marar badan sababtay in dhiig badan ku daato.
4)-Waxaa yaraaday aaminkii iyo aragtidii wanaagsanayd ee umaddu u haysay ka dib markay yaraatay wanaagii badnaa ee ay caanka ku ahaayeen, waxayna u muuqdeen kuwo danaystayaal ah ilaashanayana dantooda gaarka ah.
5)-Dad badan waxay u arkeen kuwo dadka iyo dalka aan u danaynayn ee ay dadaal ugu jiraan dantooda gaarka ah.
Arintaasiyo kuwo kale oo aanan doonayn in aan hadda ka hadlo uguna wayn tahay faragalin shisheeye waxay keentay in sumcadii iyo wanaagii badnaa ee loo hayey wadaadada in hoos udhac ku yimaado dad badana aad moodo inay u xuubsiibanayaan in ay noqdaan dad caadi ah ee aan lahayn cilmi iyo caqiido ay wax kula sooci karaan.
Badanaa culimo lagu yaqaan in ay yihiin kuwo cibaado iyo cilniga fidintiisa u banaan baxay, Badanaa kuwo naftoodii waayey ayagoo dalbaya raali galinta ilaahay, Badanaa kuwo xabis iyo ciqaab cimrigoodii ku dhamaystay, Badanaa kuwo har iyo habayn ay hawl u tahay wax baris iyo baraarujin joogta ah.
GABOGABO.
Ujeedada qoraalkankuma saabsana in cid ama urur gaar ah wax looga sheegayo waxuu ku salaysan yahay qoraal shaqsi ah taas oo qalad iyo sax ba noqon karta.








