Reysalwasaare Mahadsanid :Qalinkii:Cali Yaasiin Gurbe

Mahadsanidaan kama aaysan imaan Shaqsiyadayda oo kaliya ee waxaay kasoo maaxatay Umadda Soomaliyeed ee ku dhaqan dunidda dacaladeeda isla markaana ku jirra xeryaha qaxootiga ee wadamada aan dariska nahay,

Tani ma filayo inaay noqon doonto Mahadnaqii kuugu dambeeyey oo aad umaddaada ka hesho balse waa tii ugu horeysay oo cadaysay Shaqadda wanaagsan oo aad durba biloowday,

Taariikh aan horey u dhicin ayay ahayd inaad ku dhiirato inaad soo magacowdo Xukuumad meelo badan laga bogaadiyey dhinac walbana looga farxo.

Hadaba Shacabku maxaay ku farxeen?

Shalay Soo ban dhigiddii aad soo ban dhigtey xukuumaddaada raysal Wasaare Saacidoow waxaay Shacabku u arkeen mid ka gudubtay wixii la oran jirey beelaha badhka ah taasoo xaqiiqdii shacabku kuugu qireen inaad tahay Geesi hal adeyg leh adiga iyo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaana Mahadaas iska leh Ilaahay kasakoow,

Waxaad taariikh Soomalidda Xorta ah noqotey raysal Wasaarihii ugu horeeyey ama masuulkii ugu horeeyay oo ku dhiiradda in Xilal misaan culus leh aad u garato Haweenka Soomaliyeed taas oo aan filayo inaad noqotay sidda aan is leeyahay masuul Fahmay haweenku kaalinta kaga aadan is badalka dalka laga rabbo,

Mudane Raysal Wasaare Shaqadaan biloowga ah oo aad ku tilaabsatay waxaan u aragnaa hadaan nahay Shacabka Soomaliyeed inaad hormar gaarsiin karto Umadda Soomaliyeed balse waa inaad ku xisaabtantaa wali waxaa dhooban qodxi hii dagaalada Sokeeye kuwii Cadowga iyo kuwa dhiig miiratadda taasina waxaa looga gudbi karaa Sidaan is leenahay Shacabka iyo Dowladda oo is raaca usku duubna wadda shaqeeyana,

Inkastoo wali shaqaddu tahay biloow fiican hadana Raysal Wasaare ku talagal inaad har iyo habeen usoo jeedo shacabkaan dulman ogoowna Cadowga gudaha waxaa ka daran kan dibadda taladda kasoo siiya waxaadna ogaataa in labadduba xal kaarabaan,

Waxaan jeclahay inaan kusoo gunaanaddo hadal hayn badan oo shacabku is weydiinayay waayadaan oo ahayd Wasiiiradaan raysal wasaaruhu ma asagaa keensadey mise waa loo keenay?

Dadka iyo dalka Soomaliyeed wuxuu ku hor mari karaa kuna dhismi karaa hadal hays aad hadda kahor tirri oo ahaa in Soomaliddu aaysan kala kaban karin ee aay wadda kaban karto taladdana wadaagi karto taas anoo ka shidaal qaadanaya ayaan oran karnaa in raysal wasaare Saacid uu si walba taladda ula wadaagey umadda soomaliyeed baarlamaanka Sharafta leh iyo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaliya Mudane Xasan shikkh taas oo keentay inu talo badan oo waqti qaadatey raysal wasaare Saacid Shalay Soo bandhigey Xukuumad loo wadda bogey qof walbana Shaqaddii la dhihi karey wuu ku fiican yahay loo dhiibey.

Qalinkii:Cali Yaasiin Gurbe

Caliyare200@hotmail.com


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Kismaayo-32 Dhagayso:- Wafti ka socda Beesha Caalamka oo Kismaayo gaaray
- May 21, 2013
Wararka ka imaanaya Magaalada kismaayo ayaa sheegaya halkaasi maanta inay gaareen Wafti ka socda ...
odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada Dhagayso:- Odayaashii soo dhisay DFS oo ka digay Mooshinka Xukuumadda.
- May 21, 2013
Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ayaa ugu baaqay mudanayaasha mowshika ka keenay ...
IMG_0559 Dhagayso+Sawiro:- M/weynaha Puntland iyo Safiirka Australia u qaabilsan Kenya iyo Somalia oo Shir Jaraa’ad Garowe ku Qabtay
- May 21, 2013
Kadib Markii Maalintii shalay ahayd u soo gaaray Magaalada Garowe Safiirka  Safiirka  Australia u ...
Cali Xaamud Dhagayso:- Afhayeenka AMISOM oo Shir Jaraa’id Muqdisho ku qabtay kana hadlay Howlgalada ay Kismaayo ka wadaan iyo arimo kale
- May 21, 2013
Afhayeenka AMISOM Cali Aadan Xumud oo Maanta shir Jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ...
44 Dhagayso:- Baarlamanka Somaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho, iyo Digniin loo diray Xubnaha ka maqan Fadhiyada Baarlamanka.
- May 21, 2013
Kulan ay maanta ku yeesheen  Mudanayaasha baarlamanka Federaalka Soomaaliya Xarunta Gollaha shacabka oo shir ...
DSC005611 Dhagayso+Sawiro:- Banaanbax looga soo horjeedo Mooshinka Xukuumadda laga keenay oo Muqdisho ka dhacay
- May 21, 2013
Bannaanbax looga soo horjeedo Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Soomaaliya laguna taageerayo dadaalada iyo ...
axmead-madowbe Dhagayso:- Diyaad Cabdi Kaliil oo soo dhaweeyay Maamulka Axmed Madoobe
- May 21, 2013
Diyaad Cabdi Kaliil oo kamid ah Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka ...
Gudoomiyaha cusub ee gobolka Bay Hoosoow Dhagayso:- Odayaasha Digil iyo Mirile oo Ku howlan Xal u helida Khilaaf soo kala dhex galay M/mulka gobolka Bay
- May 21, 2013
Inkastoo warar hoossaad ah oo soo baxayey Mudooyinkii u dambeeyey ay sheegayeen inuu khilaaf ...