Faallo ku Saabsan Qaabka Loo Soo Xulay Wasiirada Cusub

Wasiirada cusub ee lagu dhawaaqey Raysulwasaare Saacid ayaa ka kooban tiradii ugu yarayd tan iyo intii Soomaaliya dowladnimada yeelatay. Arrintan oo marka dusha laga fiiriyo u muuqata mid soo dhoweyn mudan, lagana yaabo in ay tahay talo haboon, laakiin aan waqtigeedii la gaarin.
Dalka Soomaaliyeed waxaa uu maanta ku jiraa weli colaad iyo burbur.

Waxa ugu muhiimsan oo laga sugayaa dowlad walba oo xiligan dhalataa waa in ay dadka iyo dalka isku soo doweysaa dibna isugu soo celisaa.

Waxaa waajib ah in ay dowladu mar walba is xusuusiso in aysan laheyn
awood buuxda oo ay dhammaan dalka gacanta ugu hayso amarkeedana uu ka fuli karo dalka oo dhan.

Waaqica dhabta ah ee Soomaaliya ayaa ah in Somaliland, Puntland iyo Galmudgba ay isu maamulaan si ka madax bannaan dowladda dhexe.

Sidoo kale gobolada Jubooyinka ayaa qarka u saaran in ay sameystaan maamul isaguna gooni isu maamula sida ku xusan Dastuurka Federaaliga ah. Waxaa kaloo qorsho maamul-sameyn iyadana laga wadaa gobolada Jubooyinka Sare (Upper Jubba).

Magaalada Muqdishu iyo hareeraheeda inta ay Dowladu joogto waxaa
gacanta ku haya ciidamada AMISOM halka inta kale ee gobolada  Koonfureed ay weli gacanta ugu jirto Al-Shabaab.

Sidoo kale hadey maanta ciidamada AMISOM go’aansadaan in ay ka baxaan Soomaaliya, waa adag tahay in ay Dowlada Federaalka ah sii jirton mudo badan, waxaana dhab ah in aysan lafaheeda isu ilaalin karin. Ciidamada AMISOM ee dalka joogana kuma joogaan amar ay dowladda Soomaaliyeed ku keentey ee go’aankooda waxaa laga goynayaa meel ka baxsan dalka Soomaaliya.

Madaxweyne iyo Raysulwasaare wadan xaaladaas ku jira madax looga dhigay waxaa su’aalaha ay is weydiiyaan noqon karaan; sidii wadanka la isugu keeni lahaa? Sidii dadka Soomaaliyeed ee deegaanada kala duwan ku nool loo qancin karaa? Sidey dadka Soomaaliyeed oo dhan loo dareensiin karaa in ay ka wada qeyb-galaan dib isugu soo noqoshada dalka? Sidey isku aaminaan oo dowladnimada u wada difaacan lahaayeen oo ugu arki lahaayeen dowladooda?

Dhab ahaantii waxa ugu weyn ee Dowladda Federaaliga ah gacanteeda ku jiraa waa manaasibta siyaasadeed oo ay dadka ku soo jiidaneyso. Sababtoo ah Beel walba waxay dooneysa in ay ka dhex muuqato dowlada Soomaaliyeed. Hadaba hadii iyadii la beekhaamiyo waa qancintii
Soomaaliyeed oo la beekhaamiyey. Isu so dhowaanshihii dadka Soomaaliyeed oo lala bakhiiley.

Fursada kala sii fogaanshaha oo la badiyey. Go’aanka looga baahnaa Madaxweynaha iyo Raysulwasaaraha ayaa ahaa in ay dhanka isu soo dhoweynta dadka Soomaaliyeed u janjeeraan balse sida muuqata waa ay ka beyreen wadadaas.

Arinta labaad oo ay dadka Soomaaliyeed indhaha ku hayeen ayaa ah dadka loo soo soocey golaha wasiirada iyo in lagu keeney aqoon, hufnaan iyo culeys ay ku matali karaan dhammaan degmooyinka iyo gobolada Soomaliyeed. Waxa ay dadku u hanqal taagayaan waa in la helo
tayo mug weyn leh oo looga sabri karo koobista tirada.

Soomaalidu waa og yihiin in tirada oo yar aysan marwalba u dhigmeyn in tayaduna wanaagsan tahay.

Haddiise xaalku noqdo in lagu keeney urur-diineed laga wada tirsan tahay, qaraabakiil iyo dane dhaqaale, arintaasi waxey noqoneysaa mid dadku ku sii fogaadaan. Mana noqoneyso mid ka qarsoomi karta umada Soomaaliyeed oo dadku waa is wada yaqaanaan.

Inta ilaa iyo hada laga og yahay sida Wasiirada lagu keeney waa shaxdan soo socota:

 

 

Faalo-Ku-saabsan-Golaha-Cusub-ee-Wasiirada

 

 

 

Saadaalnews@gmail.com


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

ki Dhagayso:- Beesha Sheekhaal oo Qaadacday Maamulada Jubbaland.
- May 19, 2013
Tan iyo Markii Todobaadkaan gudihiisa Magaalada Kismaayo looga dhawaaqay Madaxwaynaha maamulka Jubbaland ayaa waxaa ...
barre hiiraale (3) Dhagayso:- IGAD oo la kulmaysa Barre Hiiraale iyo Taageerayaashiisa
- May 19, 2013
Waxaa  gaaray Kismaayo Wafti ka socda IGAD oo dhawaanahaan safaro ku marayay Magaalada Muqdisho ...
Dagaal-Gedo Dhagayso:- Dagaal Culus oo Xalay ka dhacay Gedo, iyo Coll Warfaa oo Saadaal media oga Waramay
- May 19, 2013
Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamadda Kooxda Al-shabaab iyo kuwa Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ...
Kismaayo (3) Dhagayso:- Mid kamid ah Qurbe-joogta Jubbaland oo ku baaqay Dowladda in looga danbeeyo arimaha Jubbooyinka
- May 19, 2013
Maxamed Daahir oo kamid ah Qurbe-joogta Jubbaland ee ku nool dalka Maraykanka ayaa ka ...
igad Dhagayso:- Odayaashii la kulmay IGAD oo Saadaal media oga Warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen
- May 19, 2013
Kadib markii ay Magaalada Kismaayo gaaren Wafti balaaran oo ka socday Urur goboleedka IGAD ...
top-news Dhagayso:- Nabadoon Dhangad “Beesha Hawiye ayay u adeegayaan Barre Hiiraale iyo Maxamed Amiin, waad ogayden wixii ay Ogaden ku dhigeen”
- May 19, 2013
Nabadoon Aadan Daahir Dhangad"Maxamed Amiin iyo  Bare Hiraale Tariikhdooda ana Haya waxa ahaan Jireen ...
Axmed Madoobe Dhagayso:- Muqdisho oo laga taageeray Maamulka Axmed Madobe.eedayna loo Jeediyay Madaxwayne Xasan Sheekh
- May 19, 2013
Kadib markii Maalmo ka hor Magaalada Kismaayo lagu doortay Madaxwaynaha maamulka Jubbaland ayaa waxaa ...
RW-Shirdoon-The-New-Deal Daawo:- Xildhibaanadii Mooshinka kawaday Ra’iisul Wasaare Saacid oo Kulan ay lahaayeen laga hor istaagay.
- May 18, 2013
Kulan ay maanta ku lahaayeen Mid kamid ah Hotelada Muqdisho Xildhibaanadii kasoo horjeeday Ra'iisul ...