Nin Naagtiisa ku Furay Ilmo ay u dhashay oo Fool Xun iyo Ninkaas oo Maxkamad la Fuulay Naagtiisa (Dhacdo la yaab leh oo ka Dhacday Dalka Chinaha)

Dhacdo la yaab leh ayaa waxaa la sheegay ka dhacday dalkaas Shiinaha ka dib markii uu nin xaaskiisa uu dacwad ku soo oogay asagoo ku eedeynaayo inay ahayd qof fool xun islamarkaana ay u dhashay ilmo fool xun taas oo keentay inay maxkamadu ay ku xukunto haweeneydaas lacag ganaax ah oo gaareyso ilaa iyo 120,00 oo doolar arintaas oo ay la yaabeen dhaam dadka aduunka.

Dhacdadaan la yaabka leh oo la sheegay inay ka dhacday koonfurta dalkaas Shiinaha ayaa nin lagu magacaabo Jian Feng oo ku nool halkaas uu dacwad ku soo oogay xaaskiisa oo aan magaceeda la shaacin ka dib markii ay u dhashay gabar uu ninkaas ku sheegay inuusan arkin wax ka fool abidkiis, islamarkaana aan u ekeyn asaga iyo xaaskiisaba midna arintaasna ay tahay mid lala yaabo, ninkaan oo markii hore u qaatey inay xaaskiisa qayaantey ayaa dood dheer ka dib waxaa uu ogaaday inaysan markii horeba aysan xaaskiisu u ekeyn sida ay u muuqato ee aadka u quruxda badan iyadoona ay xaaskiisu ay qiratey inay isku sameysay qaliin xaga wajiga ah oo lagu qurxiyey loona ekeysiiyey si qurux badan oo aysan u dhalan iyadoona ay haweenydaasi ay u sheegtay ninkaas inay ku qarash gareysay lacag gaareyso ilaa iyo 100,000 oo doolar si loogu sameeyo waji qurux badan arintaas oo uu ninkaas ka carooday islamarkaana uu xaaskiisii ku furey halkaas oo uuna ku soo oogay dacwad ay maxkamadu ku siisay gartii ninkaas islamarkaana ay u xukuntey xaaskiisa inay siiso ninkaas lacag magdhow ah oo gaareyso ilaa iyo 120,000 oo doolar.



Ugu dambeyntiina iyadoo sida uu ninkaan ku doodaayo inay xaaskiisu ay qiyaantey islamarkaana ay iska dhigtey oo ayna isku ekeysiisay waxa aysan ahaynoo ula jeeday inay sheegatay qurux aan dabiici ahaynoo aysan u dhalan ayaa dadka qaarkiis waxaa ay la yaabeen hab dhaqanka ninkaas, xaaska uu ninkaan furey ayaa waxaa la sheegay inay falkaas sameysay xiligii aysan aqal galin ninkaan, laakinn ninkaan ayaa ku doodaayo inay haweeneydaas ay kula aqal gashay ama ay ku guursatey iyadoo sheeganeyso wax aysan ahayn oo ay iska dhigeysay, asagoona intaas raaciyey in laga yaabi lahaa inuusanba arooseen hadii uu ogaan lahaa sida dhabta ah ee ay u ek tahay islamarkaana aysanba u dhasheen gabadhaas foolxumada badan.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

 


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. C/risaaq xaaji muudey says:

    Arintan waxay kamid tahay wax yaabaha lala yaabo oo hada aduunka kasocdo tankale naagtaas ninika wey qayaantay xukunka maxkamadana waa sax hana bixiso lacagta qayanaleyda tani waxay kamid tahay qayaanada dumarka raga qayaameeyaan …. Ok

    • hana says:

      oo ragga yaa khayano iyo xadgudub badan iyaga.dumar neceyb baa kaw kasiini nimanka qarkood.ma quruxbaa barkin u noqon bal doqonka chinese na qofka haduu intaa la noolaa oo ey ilma isu dhaleen maxuu rabaa.shallow idiot dheh

  2. Laki says:

    Qadarka alle beysan aqoon waxay mooden inay ayagu sameystan quruxda




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Sequence-06.Still007 Dhagayso+Sawiro:-Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Maanta Muqdisho Odayaal Dhaqmeed Kulan kula qaatay
- Jun 18, 2013
Kulanka uu wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guuleed la qaatay ...
2 (2) Dhagayso+Sawiro MCH Cusub oo maanta laga Furay Caabudwaaq
- Jun 18, 2013
Waa munaasibad maanta lagu furayay MCH-cusub Kaasi oo Loogu magacdaray Mid kamid ah xafadaha Magaaladda ...
images Dhagayso +Warbixin :-Dhaawacii Coll Yaasin Radeer Kadib Caawa waa Side Kismaayo
- Jun 18, 2013
  Kadib markii maanta ay Dhawaceen Maleshiyaad Hubaysan oo isbaaro Dhigtay Gudaha magaalada Kisamaayo Coll ...
IMG_429011-300x200 Dhagayso:-Dhamaan Khudbadihii laga Jediyeey Shirweynihii Dib u Habaynta Waxbarashada Dalka soomaliya
- Jun 18, 2013
  Warbaahinta Caalamiga ah ee Saadaal Media waxay Idiinso gudbinaysa Dhamaan Khudbadihii laga Jediyeey shirweynihii ...
muqdisho_4 Dhageyso:- Kulan looga arinsanayay amaanka Gobalka Banaadir oo Muqdisho ka dhacay
- Jun 18, 2013
Kulan looga hadlayay amaanka gobalka Banaadir ayaa maanta wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ...
Baladweyne-300x199 Dhageyso:- Maxaa dhacay maanta oo kale 2009-kii
- Jun 18, 2013
18-kii June maanta oo kale sanadii 2009-kii ayay ahayd markii weerar ismiidaamin ah Al-Shabaab ...
breaking_news--300x159 DEG DEG:- Madaxda Jubaland iyo Ethiopia oo ku kulmaya magaalada Addis Ababa
- Jun 18, 2013
Magaalada Adis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia waxaa  ka socda kulamo u dhaxeeya madaxda ...
1_59 Dhageyso:- Suldaan Deeq Macalin “Jubaland waxaa ka danbaysa Kenya oo doonayso inay qabsato Soomaaliya”
- Jun 18, 2013
Suldaan Deeq Suldaan Macalin Sanbul oo ka mid ahaa hogaamiyaashii ururkii NFD ee u ...