BAGA’E DIIDA – DAMAC JADIID/DULMI JADIID/DULLI JADIIDKA
Jaaliyadda Jubbaland State of Somalia ee Gobolka Washington State USA oo ku hadlaysa magaca 9 Jaaliyadood Jubbaland ah ee degaankoodu Woqooyiga Amerika yahay, 2 Jaaliyadood Jubbaland Carabaha ka dhisan iyo 3 Sacandinadia deggan oo Kulan Guud ee Telefoon Heshiis Guud ku wada galay, waxaa sharaf noo ah in aan halkaan idiinku soo gudbinno Hambalyo iyo Bogaadin kalsami xambaarsan oo aan uga wakiin nahay Shacabka Jubbaland ee deggan meelaha aan sare kusnay iyo kuwa kale oo nala qaddiyadda ah,
sidoo kalena aan ugu gudbinaynnaa Maamulka KMG ee Kismaanyo iyo degaannada kale ee Jubbaland (Gedo and 2 Jubbas) oo Dugaaggii Al-Shayaaddiin laga xoreeyey maamula, Guddiyada Farsamada ee Dhammaystirka Maamul U Samaynta Gobollada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbalada Hoose iyo cid kasta oo gacan ka geysatay xoraynta iyo xasilinta degaannada hadda xorta ah, walina ku hawllan nadiifinta gaxandhadii ay Argagaxisada Caalamiga ah ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya badankeeda haysta abuureen, kuwii hore iyo kuwa Cusub oo magacyada Dhiigga Muujinaya la baxay. Waxaan si gaar ah u bogaadinaynaa Ciidamada Xoogga Dalka ee Jubbaland iyo Gedo Defence Forces
Ururrada ku nudan ee Xoraynta dhulkooda u darban iyo walaalaha AMISOM Kenya oo dhiiggooda qaaliga ah u huraya Argagaxiso ka Xorayntayada daacadda ah kuwaas oo shalay diiday inay Kismaanyo gudaha u galaan Awrkiraaleyaasha Damac Jadiid u soo dirsadeen – Jaajuusidda, fidnaynta iyo kala furfuridda Shacbiga Jubbaland u dhashay oo Soomaali badankeed ka kooban.
Waxaan og nahay inaad maanta ku baraarugsan tihiin shirqoollada nacabnimada ah ee ay maleegayaan Koox Diimeedda lagu khaldamay ee Soomaaliya marajaheedii siyaasadeed khiyaanada ku qabsaday. Waxaan aad uga xunnahay waqtiga iyo himilada khasaartay iyo fursadda Soomaali uga luntay raadinta Gobannimo iyo Midnimo qaran oo aysan rabin kuwii Soomaali taariikhdeedii iyo wixii ay boqollaalka sano soo tabcatay fuuqsaday. Waa meeshii laga oran jirey, “Ninka naagtaada doonaya, gabadhaadu ma deeqo’e”, bal eega qofka aan Madaxweyne Qaran oo aanu kasban oo uusan istaahin u quurnay, isna maanta laga dhisi la’yahay Maamulka la rabay in uu shakhsigaas khayaano hoos yimaado,
isagoo kaashana Jabbuuti oo hadba midab la soo baxaysa iyo dugaag kale oo manaasib ummaddu leedahay huwan. Cidna looga haybaysan maayo Dhismaha Jubbaland, haddana waa wada ogaaney heerka Gurguurte ka taagan yahay la dagaallaanka Jubbaland iyo Beelaha degaba. Shakhsiyaadka aan wali ka quusan Xamar oo aan ku quusan sida Soomaali iyo adduunkii kale oo wada daawanaya loogu bahdaleeyay Wasiirkii 1aad ee Ummadda; aan ku quusan qaabka deg degta ah ee Soomaali loo kala goynayo iyo gabadha arrintaas darteed loo soo xulay; aan ku quusan heerkan la gaarey in la yiraahdo – Madaxweynuhu wuxuu Arrimihii Kismaanyo u xilsaaray gabar aan xitaa Soomaaliya dhexdeeda ku dhalan kuna noolayn ee dal shisheeye lagu qabo oo nin iyo carruurteedii macna darro uga baxday;
waa kuwa aan ku quusan xilalkii 18 Wasaaradood runtooduna 24 Wasaaradood horay ahaa ee uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo duruufti jirtey awgeed sidaas uga dhigay, in 16 (22 noqonaya sida kale) ka mid ah loo qaybshay shay 2 Wasiir (Wasaaradaha Beeraha, midda Daaqa/Dhirta, X. Xoolaha, Kalluunka, Gaadiidka Badda Badda, Macdanta/Biyaha, Tamarka/Shidaalka oo hal wasiir plus Wasaaradaha Caafimaadka, tan Waxbarashada, midda Tacliinta Sare/Hiddaha, Shaqada, Isboortiga, midda Dhallinyarada,
tan Dalxiiska/bii’adaha/degaanka iyo Haweenka iyo Arrimaha Bulshada oo hooyo miskiinad ah lagu raray magac ahaan; wixii dalkani mansab iyo manfac qaran lahaa (marka laga reebo 3 xil) ay hal Beel oo horay wixii ay Soomaaliyi mood iyo nool bililiqaystay isa siiyeen; kuna quusan waayey waxa uu hadda Gurguurte doqonnimo ku kacayo indhahooda hortooda; waan hubaa in waqtigu mar dhow quus fool xun oo uu waqtigeedii dhacay ugu bishaaraynayo, annaga oo kula talinaynna in inta goori goor tahay, ay xamaamadooda Xamar ka soo urursadaan, lana sugo (haddiiba ay dhacdo in loo baahdo),xilliga ay qolyahaasi Gobannimo iyo macnaha Dawlad Qarameed fahmaan oo ay u baahdaan cid ay wax la wadaagaan. Jubbaland Guul iyo Hambalyo
Cabdi xassan
Afeef:Maqaalada iyo falooyinka ku soo baxa warbaahinta Saadaal,waxay gaar u yihiin qoraha ku saxiixan,sinaba uguma turjumaan aragtida Saadaal









kkkkkkkkkkkkkkkk
Hadii inta meel lagu shiro lagu sharabo warqadna lagu qor idacadahana laga doodo dhul adan u dhalan oo shalay qaxoti nimo ku timid wiliba dadkii ku marti gali ee ay kugu qasabtay dowladii kaligii taliska aheyd in lagu dagameyo madamad dhibateysan tahay xolahana ka so ba be en inad manta shegato oo dadkii kaga badna ee majoritiga ka aha ad dhahdo ana nii xukumayo waa waxay dowlada kenya iyo ciidamad daanyerta u eg ay nagu dhigeyn lakin waa mid an lagu si wari donin dhalay wuu dambeyaa inta laga ansixinayo iney wadanka ka baxan aya ka xigto ee niyada isaga si dhiso mamulka kenyati land. kkkkkkkkkkkkkkkkk
NIN ALLEKA CABSI KU JIRTA MAHAN QORMADAN SO QORAY.
RUNTA AYU INDHAHA KA DABOOSHAY.DHULKA DADKII ASALKA U LAHA AYU RABA INU XAQODA DUUDSIYO.KOLEY JUBOYINKA IYADO AN DADKA SI XOR AH U DORANIN QOFKA MATALAYA MA DHACEYSO IN MAMUL GACAN KU RIMIS AH LAGU QASBO.
NINKA MADAXWEYNIHII DALKA IYO DOLADA JABUTI O ISLAM AH MINA AN WALALO NAHAYISKA FOGEYNAYO MISNA KENYATI SANWEYN SO DHAWEYSANAYO WAA NIN RABA INU DHUL BOOB KU KACO ARINTASNA WA MIDAN DHACEYN,HANA KU FIKIRIN.DALKA WAXAA GO AN KA GARAYO 3 DA NIN EE UGU SAREYSA IYO GOLAHA WASIRADA DOWLADA JABUTINA WAA LALA KASHANA WAYO XOG FICAN BEY KA HAYSA SOMALIYA IYO SIDA LOO KALA DAGO NINA WUXUSAN LAHEYN MA DHAHEYSO ASAGA LAH.
LAKIN INTAD KENYAN II QABO DHULKAN AN BADA KU SAXIIXO AMA SHIDALKA KA QODO KULA SO HISHISO AD GADAL KA MARTO DADKII DEEGANKA IYO DOWLADII DALKA AD KA FOGATO WA WAXAN DHACEYN.MEELAHA KA CAY MADAXDA DALKA LAKIN
WALAHI INTA QOF DAMIR LEH OO SOMALI UU NOOL YAHAY TAASI MA DHACEYSO RUNTANA QOFKA LAGUMA NACO XAQANA HADI MEEL KASTA LAGA DABOLO MEEL U BU KA DILACA. QAXII MA DILACAY SHIRQOLKGANA WA LA OGADAY EE DIB ULA LABO, MESHAD KA KENTAY KUALA LABO.
WAXAN U MAHAD CELINA DHAMAN INTA JECEL IN DALKA AY BADBADISO MISNA CADALADA KU DHAQDO DALKA IYO DADKA.
WAXANA USO JEEDINA MADAXDA UGU SAREYSA DALKA IN DADKA SHACABKA XAQODA LA ILALIYO LAGANA DIFACO QOLOYINKA ISKU DAYAYA INEY DHULBOOBKA SAMEYAN DADKA DEGANKANA KU SHABADENAYA INEY SO RACAN AMA IN MAGACA SHABAB LAGU SHABADEEYO MISNA KENYATIGA LOO GACAN GALIYA DADKA DEGANKA WU DHIBATEYSAN YAHAY CODKODANA SI XUR UMA DHIBAN KARAN. HADBA MARKEY KA HADLANA LA DHAHO SHABAB AYAD KU JIRTAN KENYA AYAN IDIN DHIBEYNA