Sahal Organization ma urur Nabad baa mise waa urur Munaafaqadeed?*Qormo Xiisa Leh*
Tan iyo markii Somaalidu dirartay hadba waxaa soo baxayay urur magac leh ama mid qabiil si cad u xambaarsan ama mid si dadban u wataba. Waxaan aad ula yaabay ururka sahal oo xawli aad ah ku socda maalmahan ood moodid inuu metelo dad loyal u ah inay shirar badan qabtaan ay marna leeyihiin Jubbaland baan taagersanahay ama u doodaynaa marna urur dimeedka Raaskanboni marna wax isku qasan ka hadlaan iyagoo aad u mucaaradaya dawlada hada jirta iyo siday Kismaayo u wajahday,waxaana ururkaas aad u buunbuuniya webpageyada allidamaale iyo shacabkemedia oo aad moodo shaqadooda ama waxay u furanyahiinba inay dadka soomaliyeed isku diraan ama ay cayaanba qabiilo somaaliyed. Hadal soomaaliyeed baa ahay maxaa weedhiyo nasa adag kulmiyay? Maxaa allidamaale iyo shacabkamedia uga dhigay media outletka sahal.
Hadaan waxyar dib ugu noqono labadaas web iyo cayda qabiilada ay cayaan waxaan oran karnaa waa Beesha Sade iyo Hawiye.Hadaan kala qaadno Beesha Sade markay ka hadlayaan waxay aad ugu lamaaniyaan Beesha Cayr iyagoo ka dhiga in Beesha Sade uusan shaqo ku lahayn Jubbaland iyo Kismaayo ee ay ku yimaadeen cawimaad Beesha Cayr qofkii caqli leh wuxu garan karaa inaan Beelaha Cayr iyo Sade ahayn labo magac qabiil ahaan isu dhigma.
Hadaan taarikhda mugdigaa ee dagaalkii sokeeye dib ugu noqono waa jirta qiso ka dhacday abudwaaq markii caydiid iyo usc ay duulaanka ahayeen in abdulaahi yusuf yimid abudwaq kadibna magalada banaankeeda ay ku shireen isaga iyo odayaashii magaalada, salaan iyo is bariidin ka dib wuxuu abdulahi sheegay inuu u yimid abudwaq in caydiid iyo xulufadiisa la iska dhiciyo oo dulmi iyo qabyaalad uu ugu soo dulay deegaanada darood. Oday odayaashii ka mid ah ayaa u jawaabay markuu hadalka dhameeyay oo yiri geedkaan waa nasiib daran yahay maxaa yeelay shalay waxaa taagnaa caydiid oo na lahaa abdulahi iyo amxaaro baa soo soo weeraraya soomaliyee ciidan keena aan isaga difaacno mantana adigoo abdulaahi ah baa na leh, marka abdulahi adigiyo caydiid goor maad noo kala soko marteen. Kaftan iyo hadal badan waxaa lagu yiri aan difaaceena adkaysano isuna gurmano.
Usbuuc ka dib wuxuu tagay xamar isagoo leh darod baan matalaye wax ila qaybso. Malin ay ka xuntahay malintaas in Nin daroda caydiid raaco ma jirin ee bal qabsada. Ka waran malintii jabuuti la tagay ee la yiri dawlad ha la dhiso oo Sade halaga tago wixii shirkaas hor boodayay oo wax la qaybsanayay asagoo ragiisii maqan yahay waa isla naqaan. Waxaa taas la mid markii kismaayo dadka shaydaa isku qaaday Morgan iyo ciidamadiisii waaxaa xulafo la ahaa cismaan cato iyo qabiilkiisa safka dagaalkana kula jiray somaaliya dagaalkeedii wuxuu markaas isu badalay xulufaysi. Markii danbe oo magaalada uu soo weerarayayna waxaa la socday ciidan badan ee reer bay iyo bakool ah tabartaa u diiday maahee wuu is lahaa wax la qaybso. Intaas iyo in ka badan oon ognahay baan sheegi karnaa laakiin sida wiilasha labadaas webege ee allidamale iyo shacankamedia shaqo ka dhigan mayno cayda iyo hurgimo kicinta ay wadaan. Laakiin waa ficantahay in hadii qofku ku dayn wayo inaad tiraahdo war iga joog. Maxaa ka xun in qabiil dhan la yiraahdo hawiye maahane waa haway cuqdada intaas leg ee hari wayday 21 sano oo la is laynayay oo waxba aan laga faa’iidin nimanka hada ay u cusubtahay in wax lagu darsan karo ma qabo. Waxaan oran karaa labadaas webpage iyo shabakada ayana la dhaho kaydmedia balse aan anigu u bixiyay qurun media ay mudan yihiin in malintooda Somali la xisabtanto ooysan ka duwanayn radiyayaashii ay isticmaali jireen hutugu markii tutsiga la laynayay Rwanda balse ayaga iyo garadkooda.
Aan u soo noqdo sahal iyo waxaan ku matalay haday qolooyinkaas aan soo sheegay iska beri yeelin waxay u ekaanayaan spm 1992 kismaayo lagu qaatay oo gabyow madaxda looga dhigay morgana gadaal ka fadiyay ilaa markii danbe macaa magacii ay lahaayeen burburkii ka hor ooy dawlad dhisan kula dagaaleen lagala wareegay. Wiilka sahal yiri gudoomiyaan u ahay wuxuu yiri hellow garowe hellow jigjiga hellow kimaayo hellow garissa maxaa isu keenay Kenya Somalia iyo ethopia waxaa laga hadlayay jubaland.
Waa maxay jubaland xagee buddhig u ah hadii jubaland la samaynayo dhul ahaan dhaqaala ahaan dad ahaan? Jubaland waa sadex gobol labada jubo iyo gedo in maamulkaas la ugmo waa sal u ah gedo sababtu maxay tahay gedo baaxad ahaan waxay u dhigantaa labada kale oo la isku daray waliba ka baaxad weyn tahay, waxaa mara labo wabi dawo iyo jubba waxay xudud la leedahay labo wadan oo midna yahay 80 milyan midna 40 milyan. Waxaan ognahay in beledxaawo oo custom muhiima ah ay ahayd markii dawladu jirtay magaalada sadexaad ee ugu daqliga badan somaliya waxaan kaloo ognahay in bardheere ay tahay meesha basasha soomliya laga cuno ugu badantahay iyo baradhadaba waxaan kaloo ognahay in meesha ugu fiican ay tahay in laga sameeyo biyo xireen laga dhaliyo korantada oo markii dawladu jirtay lagu qiimeeyay inay shaqo ka heli karaan 1 malyan oo qof. Intaas oo aan u gudbin waxa kale barbardhig labada gobol ee kale waxaa la tilmaami karaa kismaayo oo dekada lagu qiimaynayo.
Marka sahal haduu urur yahay dadka isku soo jiidaya ma mudan yahay inuu hilmaamo gobolka saas ugu ah muhiimka jubaland iyo somaliyaba. Oo jigjiga iyo garisa oon somaliyaba hada ahayn uu noogu celceliyo waxaa la yiri wixii uurka kaa jira afkaa kaa xada malaha wiilka waxay la tahay in kismaayo u baahan tahay jigjiga, garowe iyo garisa laakiin aysan u bahnayn bardhere, luq, garbaharey iyo baledxaawo.
Abdi Ali Warsame
Columbus ohio
Afeef:Maqaalada iyo Falooyinka ku soo baxa warbaahinta Saadaal,waxay gaar u yihiin qoraha ku saxiixan sinaba ugama turjumaan aragtida guud ee Saadaal









walaalka maqaalka dhab ka hadalka ah waqti siiyay waa mahasan yahay.Sahal group waaa iska odayashii beelaha hawiye oo kale anigu ma qabo in waqti lagu lumiyo.waa urur majeerteen uu abaabulay oo uu doonayo in beesha darood ka dhigo dad qabiiliyiin ah oo soomaalida ka duwan
waan ka xumay in dacaayad lagu furo urur u guntaday tageerida dadkiisa.ururkaan qabyaalad kama shaqeeyo nabad iyo horumarka ayaa tiigsadaa,marka haddii qofkii wax qabanayo la horistaago yaa ummada soomaaliyeed u maqan
somali shar iyoshaati qabiil bay gashatay hasha dabada go.an geeleeda bay boqol ku tahay sahalna somali buu boqol ku yahay war ha leys daba qabto sidaan wax ku hagaagi maayaan
waar ama jigjiga qaylo dhaan u dira ama tuulada garoowe gurmad karaadsa somaliyi is baratay reerka somali kala dilay ee ay ilaa waqtigan xaadirka ka degi ladahay waa hawiye,hawiyana SAHAL baa loo helay ama bood ama qayliya sahal way socon
Haddaan lays xaqireyn ururka SAHAL walee waa urur beesha Darood wax u qabtay,dadka wax ka tabanaya khaasatan beesha Sade oo u aragto urur majeerteen yahay tolkiina u soo laabta.dadka deegaankana waxaan leeyahay BAHAL HIGLO AF-QURUN KUMA KALA TAGTO ee arrimihiina dhameysta oo cidna marti hawga noqonina.
asc somalida waan salaamaya meel walba aay jogan hadii aan fikirkeyga ka dhiibto maqaalkaan waxaan u arkaa in qolyahaa sagaal la leeyahay inay u shaqeeyaan dowlada Kenya,qurbajoogta loo soo diray si arrimaha kenya gedo iyo jubooyinka ay ka wadao dadka wax caadi ah looga dhigo
asc aqristayaal qiimaha lahow inkasto qoraagu qoraalkiisu uu xiiso leeyahay haddana xalku siduu yahay nooma sheegin, oo arrinta maamul usamaynta jubaland cidda loo daba farinsandoo waa kuwama? mar haddii madax waynihi yiri ,reer bay iyo hiiraanba maamulkiina soo dhista maxay reer jubaland kaga duwan yihiin. anigu waxaan oran lahaa reer sadow danihiina garta oo dadka horusocodka wax la qabsada saacid iyo muqdishana iska ilowba waa iga talo.
Asc qoraagu mahadsan.
Waxaan Ku talinayaa dib ayeynu ka xisaabtami doonaaye waqtigaan jiritaankayaga (daaroodnimo) ayaa duullaan lagu yahaye aynu wadajir uga hortagno isagana difaacno danahayagana cidna yeynaan Marti ugu noqon.
Qoraagana waxaan leeyahay haddaad axmed diiriye iyo xaad iyo Tarzan u heshay sahal iyo guddoomiyahooda .maad iska dhegaysatid illeyn waxaad adigu ka xishoonaysid oo aan turriinsho lahayn isagaa kuu oranayee…midnimada daarood waa muqaddas cid Kala.kaxayn kartana majirto..
Nabad iyo warsan
Walaal aad ayaad u mahadsan tahay waxaad sheegtay arrin dhab ah. Dad waxaa jira Daaroodnimada ku shaqaysta oo sidaan iyagu doonayaan Daaroodnimada ugu qaraabta Daaroodna khaarkiis yahuuda ka neceb.
Waan akhriyey qoraalkan isku dhexyaacsan oo la leeyahay waxaa qoray nin sheegtay Abdi Ali Warsame. Anigu waan aqaan gudiga Sahal Org. waana dad wadiniyiin ah kana fog qabyaalad iyo eexaysi iyo waxyaalaha lagu yaqaano dadka qaarkiis. Ururkani waxay u doodaan marba qofka dulman waana dad wanaag lagu yaqaano. Haddii lagu xumaanaayo in xaqiiqda la sheego la yaab ma leh waa Soomaali meharadeeda. Yaan waqti badan lagu lumin in la daba-dhigto qof hawl qabanaaya ee qof walba ha ka shaqeeyo wanaaga naftiisa iyo tan dadkiisa.
Haddii laga xumaaday maxaa madaxwaynaha loo hadal qaaday, ogaada madaxwaynuhu waa siyaasi qof walba waa dhaliili karaa, loomana baahna in adinkoo wax naqdi is leh inaad adinkuna qof kale ku geftaan.
Ugu danbayntii waan taageeray qoraalka uu soo saaray Sahal Org waana xaqiiqo jirta ee keena xaqiiqo aad warkooda ku burinaysaan haddii kale noqda dhagaystayaal edeb leh.
Ka fakera inaad wax u sheegtaan kuwa xoogga ku haysta guryahii Soomaaliyeed ee ku yaala Muqdisho ilaa Baraawe!