Talooyin ku socda Dowldda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Sade
Marka hore waxaan hambalyo iyo bogaadin udirayaa hogaanka cusub ee dowladda Somalia khaasatan Re-isul wasaare saacid oo soo dhisay dowlad kooban oo tayo leh taasoo ka turjmumeysa baahida dadka Somaliyed,hadaan u soo gudbo maqaalkeygan ee aan cinwaan uga dhigay (Talooyin ku socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Sade) runtii aniga marna ma jecleyn faragelinta dowladaha daris ka ah sida Itoobiya iyo kenya maxaa yeelay waxa ay naga haystaan dhul iyo dad waxaana noo dhaxeeyo colaad fog waana kuwii sababta u ahaa burburka wadankeena mar kastana u taagnaa fashalinta dowlad kasta oo la dhiso siduu madaxweynihii hore ee kenyuba sheegay MIO maahmaah somalied baa waxa ay ahayd {nin ku dilay har kuuma jiido} .
Soo galitaankii ciidamada kenya oo markii horoba ahaa mid sharci daro ah sida kan itoobiyaankuba sharci daro u yahay, taasoo shaki badan ay ka qabeen dadka somaliyeed ee wadaniyiinta laakin la isku dayey in dadka la seexiyo iyadoo loo sheegay in kenya ka mid tahay AMISOM taageereysana DFS laakin xaalku sidasi waa ka duwan yahay maanta waxaana u dalil cad u ah dhacdadii kismaayo looga soo ceyrshay wafdigii ka socday dowladda Somalia kaas oo uu magacaabay madaxweynah Somalia Xasan Sheekh horeyna waxaan u haysaney hadalkii Faarax Macalin e ahaa {KULBIYOW LOOGAMA TALINAYO MUQDISHO MAR DANBE NINKAa KU FIKIRAYANA WUXUU KU NOOLYAHAY QARNI KALE} waxaa ka sii daran kenya oo ka soo aruurisay dhalinayo badan xeryaha Qaxootiga kuwa badan haysta shariciga wadankeeda kuna sheegtay iney yihin Somali National Army laakin ka amar qaadanayo Saraakiisha Kenya somaidu waxa ay tiraahdaa (DOQONTA KU DHUFO USHA AGTEDA HADAY GARAN WEYDANA KU DHUFO KOREDA) hadaba ogaaney cidda Kismaayo heysato xaqiqdii ee maxaa xal ah?
Waxaa soo jeedinayaa dhowr talo oo ku socot Dowladda iyo shacabka ku nool gobalada Gedo iyo Jubooyinka.
DOWLADDA
Kow Dowladdan iyada ayaa isdishay markii ay ogolaatay maleeshiyooyin ay dabada ka riixayaan dowladaha Itoobiya iyo Keya iney ka dagaalamaan gudaha wadanka kuwaas oo aan ka amar qaadaneynin Dowladda dhexe sida Raaskanbooni iyo Suufiyada waana khaladaadkii ugu weynaa oo ay gashay Dowladdii Ku-meelgaarka hadaba waa in arintaas dhamaataa askari aan ka amar qaadaneynin Wasaaradda Gashaandhiga Soomaaliya waa inaan loo aqoonsanin askari dowladeed lana kala diraa maleeshiyooyinka Raaskanbooni iyo Sufiyada illeen waxaa dhistay Itoobiya iyo Kenya:
1- waa in dowladda kula dhaqantaa gobolada Somaliya siyaasad isku mid ah si looga fogaado xasaasiyadda qabiilka
2- waa in dowladda wadanka ka sartaa dhamaan ciidamada Itoobiya iyo Kenya laguna badali ciidamada kale ee AMISOM
3- waa in Dowladda soo dhistaa maamulo cusub oo ka amar qaata iyadoo la kaashaneyso dadka degaanka ah
4- waa in dowladd u sheegtaa Igad iyo ururada kaleba in ay faraha kala baxaan arimaha gudaha wadanka Somalia
5- waa in Madaxda ugu sareyso dowladda dadk u sheegeen waxa ka socda wadanka oo codkooda la maqlo ugu danbeyn waa in dowladda sharafta dowladnimo ilaalisaa oo siyaasad cad la timaadaa wadankana ku hogaamisaa dowladnimo iyadoo kaashaneyso shacabkeeda.
SHACABKA GOBALADA GEDO IYO JUBOOYINKA EE BEESHA SADE
Shacabka u nool gobolka Gedo iyo Jubooyinka waxaan leeyahay waa inaad la shaqeysaan dowladda Soomaliyeed oo aad diidaa faragelinta qaawan ee ay kenya waddo oo aadan marna u daba fadhiisan maamul u sameynta gobolada Gedo iyo Jubooyinka KIIKUUYADA iyo Somali Sijuu-da Faarax Macalin iyo Yuusuf Xaaji hogaaminaayan iyo maleeshiyooyinka xeryaha Qaxotiga laga soo aruuriyey, waxaana idin soo jeedinayaa dhowr qodob.
1- inaad qabataan mudaaharaadyo lagu diidan yahay faragelinta Kenya kuna canbaareysaan dhacdadii Kismaayo
2- in la qabto shir deg deg ah kana soo saaraan qodobo qeexayo meesha aad ka taagan tihiin maamul u sameynta goboladan
3- in lagu dhawaaqaa af-hayeenka dhaqanka ee gobolada Gedo iyo Jubooyinka kuna hadlo afka Beesha
4- in ay la yimadaan Siyaasiyiina Beesh Sade siyaasad cad oo ku wajahan gobaladan iyo maamul u sameyntooda
5- in il gaar ah lagu hayo maleeshiyoonyinka laga soo aruuriyey xeryaha Qaxootiga loona sheego ineysan ka gudbin RED LINE-KA oo aysan gobood fal ka geystan magaalada Kismaayo ugu danbeyn waxaan leeyahay yeysan dhicin gashaanti aamuskaa lagu mehriyaa waa in aad cod dheer ku sheegtaan waxa aad dooneysaan dowladdana kala saqeysaan maamul u sameynta goboladan.
————
Mohamed Ibrahim, akhunaa114@hotmail.com
Afeef:Falooyinka iyo Maqaalada ku soo baxa warbaaahinta Saadaal,waxay gaar u yihiin qoraha ku saxiixan,sinaba ugama turjumaan aragtida Saadaal









xaarwayne fulay ah oo waliba is mooday wax uusan ahayn waa kaftan kkkkkkkkkkkk
aryaa xaa loo lahaa mariixaan waa daarood eebaa og waa niman hawiyaa ugaaskii ceyr been ma shaagin arey mareexaanow soomaali waa la ogaaday walee inaad soomaali tihiin oo waliba wadani ah aniga waan idiin qiray wax kasta ay daaroodka kale noo maleegi rabaan idinkaa u xil saaran kala daadsha madax weyne iyo raiisul wasaare cidaan idinka aheen siin meyno waa balan hadaan hawiye nahay rag rag dhalay waa leysku raacay cida mareexaan tol jiraa tihiin