Madaxweynaha Maku Saxan Yahay inuu isku darsado awoodiisa iyo tii Raysulwasaaraha*Qormo Qeexaysa Awooda Madaxda*

Waxaa la yaab leh sida aan loo tixgelin qaanuunka iyo shuruucda qaranka loo dhisayey (“Charter” ama “constitution” oo midba wakhti- ahaa) 12kii sano ee u dambeysay, dowladihii ladhisahayey, laga soo bilaabo Dowladii lagu soo dhisay Carta, Djibouti bishi Agosto 2000. Hushma darridaas nidaamka dowlad dhaqmeedka oo aan la dhowreyn wuxuu dhalinayey iska horimaadka madaxda sare ee dowladda sida: Madaxweynha, Raisul -wasaaraha iyo goddomiyaha Barlamaanka oo dagaalkoodu joogto noqonayay marwalba, taas oo keentay 7 raisul-wasaare , 5 goddomiye barlamaan iyo 4 madaxweyne muddo 12 sano ah in Soomaaliya yeelato. La isma-weydiiyo miyaa wixii fashiliyey dowladdihii kala dabeeyey? Waxaa fashaliya gacandhaaf shaqada la isu gacandhaafayo. Bishii November 2004 ayaa Cabdiraxman Yabarow oo BBC u fadhiyey magaalada Washington DC ayaa Aniga Jangeli ah, Abdiqafaar Wardhere, Mahadalla (ma aha Prof. Mahadalla) iyo Anisa ayaa naga wareystay waxa ay qabankarto 3da bilood oo ugu horreysa dowladda cusub ee Cabdullahi Yusuf Ahmed iyo Prof. Maxamed Ali Ghedi.

 

Aniga jawaabtaydu waxay ahay haddi ninwalba shaqadiisa loo daayo oo madaxweynuhu uusan xukuumadda ku farageli raisul-wasaaraha meel  sare ayey gaareysaa maxaa yeelay tii Cabdiqaasim iyo Galeydh baan xusuustaa in howshii ka ka dhamaan weyday isku qabqasigoodii iyo dagaalkoodi. Arrintaas intii ka dambeysayna isga warrami mayno in tilaabo horay loo qaadi waayey dagaalka dhexmaraayey madaxdasare awgeed. Hadaba waxaan dhegeysta shalay khudbad aad u wanaagsan oo Madaxweyne Hassan Sheikh u soo gudbiyey ummadda Soomaalida haseyeeshee waxaan ka dhadhansaday in bilow is maandhaaf ah ka jero asaga Iyo Raisul-wasare Saaci Shirdoon.  Khudbaddas lafteedana Madaxweynuhu wuxuu sheeganayaa shaqadii Raisul-wasaraha in uu qabanayo asagu. Waxaan maqlaynay in madaxeynhu uu wasiirada qaarkood magcaabay asagu khudbadiisana ku lahaa waxaan magacaabeynaa wasiiro ku xigeen agaasimayaal iyo safiiro taas oo ka soo horjeeda howsha sharcigu u ogolyahay madaxweynaha taasaana keenta dagaalka madaxada sare. Waxaa naloo sheegay in laga baxay ku meel gar dowlad ah luguna daqmidoono dastuurka wixii hadda ka dambeeya. Hadaba Aniga oo hoos ku minguurinayaa xilka iyo awooda madaxweynah sida uu sheegayo dastuutku waxaan xaasuusinayaa akhistayaasha in madaxweyne Aaden Cabdulle cusman iyo Raiwasaarayaahii wakhtigaas sida ay howsha u kale lahaayeey. Madaxaweynaha haddi  daku doorto sida Djibouti, Kenya, USA  howl maalmeedka shaqada dowladda iyo magaacbidda xubnaha xukuumadda ama saraakiisha dowladda noockasta oo ay yihiin asaga ayaa magacaaba lakiin madaxaweyna haddi baarlamanku dorto howshiisu way koobantahay oo wakhti mucayana ayey ku koobantahay  taas oo Soomalida haddan eegno  ku qeexan qodob 90 ee dastuurka sida hoose ku qoran. Dowladaha sida Ethiopia, Italy, Germany magacayada Madaxweynayaashooda meel aad saxaafadda ku arkeysid ma jirto, lakiin raisulwasaarayaasha ayaad shirarka caalamiga ah iyo waxqabdka dowladdoda ku arkeysaa maxaajira barlamaanka ayaa doorta sideena oo kale madaxweynaha. Bal u fiirsada qodobkaan 90 ee dastuurka waxaa lagu qeexayaa in madaxweynu saxiixa ogolaansha  si loo sharciyeeyo keliya uu leeyahay markii xukuumaddu soo jeediso magac shaqkhsi ama mashruuc ee asagu shaqsiga keliyo oo uu magacaabikaraa uu yahay Raisul-wasaaraha.

Waxaan ku soo gunaanadayaa in dib loo xasuusta marlawalba dastuurka oo haddi aan lagu dhaqmin lagu fashalaya howlaha kale oo dhan maxaa jira waa saldhigaa la isku hago, ummaddana loogu shaqeeyo haddi aan la ixtiraaminna saaxiibtinimada iyo isjacaylku aysan shaqeyneyn muddo kaddib.

Arrintaano waa iga digniin wixii aan horay  ugu soo jabnay in aan lagu celin celin. Mahad gooniyana waxaan u celinayaa Prof. Cabdirahamaan Sheikh Badiyow oo markuu  isusharraxay Madaweynaha si qayaxan u sheegay una xusay qodobadaan sheegaya awooda madaxeynaha ballan qaadayna in uu ku dhaqmayo haddi la doorto.

Abdulqaadir Aden “Jangeli”

Jangelione@yahoo.com

 

Halkaan Hoos ka Aqri Maqaalka oo Dhamaystiran:

 

Dagaalka madaxda qaranka iyo qaanuunka dowliga

 

 

 

Saadaalnews@gmail.com


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Liban doob says:

    WAXAA FARXAD II AHAAN LAHEEYD HADII MAHADALIHII CALTURO ITAALIYA AAN ISLA DHIGAN JIRNAY AAD TAHAY, AMA REER WARDHEEREHII REER HILOOWLE !
    DASTUURKAAN WAA MID ISKU QAS AH OO LOOGU TALO GALAY IN LAGU WADA HADLO OO DADKA LAYSKU BARO.
    TAN KALE MA WAXAAD KA HADLEE PRESIDENT LEH PRIME MINISTER AMA PRIMEIR . MISE KUWAN OO AAN LAHEEYN KAM KORE ?

  2. Ilhaan says:

    Runtii anaga hadaan nahay shacab waanba araggnaa madaxdan is haysata ee bal aan aragno meeshay kubiyashubato

  3. [...] Waxaa la yaab leh sida aan loo tixgelin qaanuunka iyo shuruucda qaranka loo dhisayey (“Charter” ama “constitution” oo midba wakhti- ahaa) 12kii sano ee u dambeysay, dowladihii ladhisahayey, laga soo bilaabo Dowladii lagu soo dhisay Carta, Djibouti bishi Agosto2000. [...]

  4. Ali Hassan says:

    U malayn maayo in Xassan Xoolo ixtiraamayo Dastuurka,Raysulwasaaraha waa inuusan Yes Man noqon




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Dagaal beeleed Dhaagayso:- Aanooyinka Qabiilka oo kusoo badanaya gobolka Shabellaha dhexe.
- May 25, 2013
Tan iyo markii Kooxda Al-shabaab lagala wareegay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabellaha ...
21_igad_summit Daawo Sawirada:- Shirkii Madaxda IGAD oo lagu heshiiyey in Dowladda Soomaaliya ay qabato shir lagu dhisayo maamulada Jubooyinka
- May 25, 2013
(Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud oo ...
IMG_0287 Akhriso Warqad Furan oo ku Socota Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole
- May 24, 2013
Warbaahinta Saadaal Media Waxa ay Idiin so Gudbinaysa Warqad Furan oo ku socota Madaxweynaha ...
Kismaayo (4) Dhagayso:- Jaaliyada Beesha Sheekhaal ee Jarmalka oo Taageeray Mid kamid ah M/waynayaasha Jubbaland
- May 24, 2013
Jaaliyada kasoo jeeda Beesha Sheekhaal oo ku nool dalka Jarmalka ayaa taageerayay Xasan Xaaji ...
guryo-burburin-003 Dhagayso:- Howlgal laga sameeyay degmada Luuq ee gobolka Gedo
- May 24, 2013
Ciidamada amaanka oo ay horkacayaan masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo  ...
mud.. Dhagayso+Sawiro:- Banaanbax looga soo horjeedo M/Wayne Ismaaciil Cumar Gelle oo Maanta ka dhacay Jabuti
- May 24, 2013
Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo Madaxwaynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa maanta ka ...
amiin22 DHAGEYSO:Gabayga Mise Guurowga Ugu Hadalhaynta Badan Saaxada Saxaafada Soomaalidda Todobaadkaan.
- May 24, 2013
Farshaxaniistaha Caanka ah ee Amin Caamir oo loo yaqaan (Amin Arts) ayaa ka sameeyay ...
DSC06955 Dhagayso:- Wasiirka arimaha Dibedda Somaliya oo sheegtay Shirwayne looga hadlayo Jubboyinka Muqdisho in lagu qaban doono
- May 24, 2013
Wasiirada arimaha dibadda wadamada ku Bahoobay Urur goboleedka IGAD oo maanta kulan ku yeeshay ...