GEN-CALI MADOOBE HALYEEY QARAN.
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo Nabadgelyo Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa, Sharaf,milgo gobeed iyo karaamoba waxaa mudan qofka garta masuuliyada weyn oo dalkiisa hooyo iyo dadkiisa ka saaran sida ku haboona ugu gurmadda,weliba xiliyada adag dhexda u xirta,una bareeraha dhibaatada,rafaadka,nabadgelyo xumadda,noloosha adag iyo dirqi gelinta naftiisaba(Noloshiisa) weliba isagoo ku dhaqan dalalka reer galbeedka waqti badan ka maqan ubadkiisa iyo qoyskiisaba,waana arrin laga heli karo in yar dadka Somaaliyeed weliba kuwooda aqoonta sarre leh.
Anigoo ah Ustaad-Xassan Carab kana mid ah bahdda qalinka iyo saxaafadda kuna saleeya qormooyinkeeyga dareenka iyo damiirka wadaniyadeed,run sheegida,xaq u hiiliinta,taageerida guud ahaanba waxyaabaha wanaagooda iyo u adeegida danta guud leh-waxaan qormadan kooban kaga hadlaayaa si xadidan Halyeey-Gen-Cali Maxamed Xassan Looyaan(Cali Madoobe)ooahaa Taliyihii Ciidanka Boliiska Somaaliyeed labo jeer(Xiligii Madaxweyne Marxuum-Col-C/Laahi Sh iyo Xiligii Madaxweyne Sh.Shariif)si weyna loogu nisbeeyo dhisamaha tiirarka ciidanka Boliiska,kor u qaadida tayadooda xirfadeed,tiradooda,gaarsiinta goboladda qaarkood,daryeelkooda,dayac-tirkada xarumahooda iyosoo celinta maqaamkii iyo kaalintii ciidankaba,kuna muteeystay amaan iyo bogaadiinba,sidoo kalle Gen-Cali Madoobe wuxuu noqday Safiirkii Somalia u fadhiyeey Dalka Tanzaania,halka uu markii hore waa xiligii dowladii kacaanka ahaa sarkaal sarre dhanka Amaanka laguna tilmaami karaayeey masuul caadadnimo,aqoon iyo kartiba ku caan baxay,hada sida muuqatana Gen-Cali ka mid yahay xubnaha Gudigga Frasmadda maamul u sameeynta J/Land waa arrin guusheeda
iyo ahamiyadeedaba leh xubno kale oo maqaam sare leh gudigaas ku jiraan anigoo guul dhab ah u rajeeynaayo iyo curashada J/Land(InshaaAllah).
Gen-Cali Madoobe waa Muwaadiin Somaaliyeed oo leh sifooyin qiimo
gaar ahaaneed leh tusaalle ahaan:-
-Dareen Wadaniyadeed.
-Damiir Somaaliyeed.
-Qiiro Dal Jaceyl.
-Karti iyo Dadaal Dheeraad ah.
-Aqoon Sarre iyo Xilkasnimo.
-Daacadnimo iyo Hufnaan Qof ahaaneed.
-Hogaamin iyo Waayo aragnimo wanaagsan.
-Dad la Dhaqan iyo Cadaalad Illaalin.
-Wada Tashi iyo Talo Wadaag iyo sifooyin kaleba.
Waxaan oran karaayaa Gen-Cali Madoobe halyeey qaran,gartay welina
u taagan u adeegidda dadkiisa iyo dalkiisaba kuna mudan amaan gaar
ah,bogaadiin iyo dhiiri-gelinba aniga iyo inta sida dhabta u taqaana ka
mudaan soo dhoweeyn,taageero joogto ah iyo weliba mahad-celin.
-Fiiro Gaar ah-Qormadu waa aragtideeyda gaarka iyo waayo aragnimada
aan Xurmadle-Gen-Cali Madoobe u leeyahay(runta ku saleeysan).
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
Afeef:Falooyinka iyo maqaalada ku soo baxa warbaahinta Saadaal,waxay gaar u yihiin qoraha ku saxiixan,sinaba ugama turjumaan aragtida Saadaal









Guul gul calimadobe gulayso
Ninkaan Mujrimka ah oo umad badan gacmahiisa iyo awaamirtiisa ku leetey miyaad leedihiin wadani. Walle wadani la’aan ayaa ka jirta Dalka. kkk