Kismaayo ma u darsatey Al Shabaab?Faallo Xasaasiya oo xaqiiqada ka hadlaysa.

Kismaayo ma u darsatey Al Shabaab?

Magaalada Kisaayo waxaa hore u heystey Al Shabaab kooxda la yiraahdo oo ka tirsan Alqacida. Soomaalida wax garadkooda iyo dadka aragtidoodu wax kasoo qaadka leedaheyna arrintaas musiibo qaran oo soomaaliya ku habasatey ayey u arkayeen. Sababtoo ah waxey kooxdaasi dhaqaalaha ugu badan ka heli jirtey xaalufinta degaanka oo ka halis badneyd dagaalka tooskaa ee ay bulshada ku hayaan. Dhaqaalaha kasoo gala xaalufintaasna waxey ku maal gelin jirtey dagaalka ay kula jiraan soomaalida ka hor timid aragtidooda gurracan. Soomaalidaas oo leh siyaasiyiin, culimo diineed, indheer garad, odey dhaqmeed iyo qof kastoo leh fikrad madax bannaan isla markaasna cabbiri kara fikraddiisa. Falal denbiyeedka khaarajintaa iyo qaraxyada ka dhaca meel kasta oo soomaalidu degto waxaa lagu maal gelin jirey dhaqaalaha ay kooxdaasi ka hesho Kismaayo.

Farxaddii in Kismaayo laga qabtey kooxdaasi miyaa lagu hungoobey

Maadaama ay dhibaatadaas aan soo tilmaamey ku maal gelin jireen dhaqaalaha dekedda waxey aheyd arrin dabiici ah oo la fahmi karo in bulshadii dhibku hayey neeftu kasoo baxdo oo ay reyn reyn iyo soo dhoweyn ay ku qaabilaan in kooxdaas halistaa laga faro maroojiyey magaaladii ugu muhimsaneyd dhulka ay heystaan oo dhan.Laakiin waxaa soo baxey is maandhaaf dhex marey nimankii meesha qabtey oo soomaali iyo Kenyanba leh oo dhinac ah iyo dowladdii federaalka aheyd. Khilaafkaasna wuxuu ku saabsanyahey qaabka maamul loogu sameynayo magaaladaas iyo gobollada Jubbooyinka. Labada qolaba iney muujiyaan khilaafkaas oo colaad muuqata u baddalaan iney ka xeeladeysanayaan ayaa muuqata. Laakiin inuu khilaaf jiro waa arrin muuqata oon la qarin karin. Haddaba markey taasi dhacdey ayaa dad badan oo waxaan arkey ku hadlaya hadallo ay ka mid tahey waxaa fiicneyd in Shabaab heysato Kismaayo intii Kenya iyo maleeshiyo beeleed la socotaa ay heysan lahaayeen!

Waxaan kaloo arkey in Shabaab iyo taageerayaashoodi ay meeshaas ka raadinayaan qiil oo ay leeyihiin ”markaan innagu heysanney wax qeylayaya ma jirin, markaan meeshii ka baxneyna waata is qabqabsigu cirka isku shareerey” !

Haddaba arrintaas ayaa waxey iila muuqatey iney tahey arrin aan laga aammusi karin oo ay tahey in wax laga iftiimiyo. Aragtida noocaas ah waa aragti meel dhow wax ka eegeysa ayaan qabaa, aysanna u qiimeysneyn dhibka uu Shabaab geysanayey intuu la ekaa.

Khilaaf siyaasadeed ama xataa haddey xumaato anigoon taas rajeyneyn mid mileteri oo dhex mara dad caadi ah oo si caadi ah u fakaraya lama bar bar dhigi karo kooxda Al Shabaab. Waxa ka suurto gala kooxda Shabaab iyo dhibka ay geysan karaani xataa kama suurto galo cadowga shisheeyahaa oo soo duuley. Sidaas darteed waxaa qalad

ah iyo meel ka dhac in la is bar bar dhigo labadaas arrimood. Axmed Madoobe iyo dowladdu cadow iskuma ahan laakiin is maandhaaf ayaa ka dhaxeeya. Markey awooddu aysan hal gacan ku jirin wuu yimaadaa is maan dhaafku oo qofka awoodda leh in ra,yigiisa la dhegeysto oo la yeelo ayuu doonayaa. Qabqableyaashii hore ee nasoo mareyna sidaasoo kale ayey ahaayeene dadka kama aysan xumeyn. Awooddii ayaa qeybsantey oo inba qof gacanta u gashey. Qofkaas awooddu gacantiisa ku jirtana wuu isku waardiyeynayaa awooddaas oo aammin kuma qabo inuu si ikhtiyaari ah gacantiisa uga bixiyo oo uu ku wareejiyo qof kale ama koox kale. Halkaas weeye meesha uu salka ku hayo khilaafka hadda jira, horena u jiri jirey oo soomaalida siyaasiyiintooda dhex oolli jirey.

Laakiin aragtida Alqacida waa aydiyaloojiyad khatar ah oon lala noolaan karin. Waa aydiyaloojiyad aysan wax uga dhaxeyn iney iyadu meesha qabsato ama in meesha laga qabsado oo iyada meesha laga bixiyo. Sidaas darteed ayaan u arkaa iney muhim aad u tahey in iyadoo khilaafaadka dhexdeennaa iska jiro aan haddana u mideysnaanno sidii meesha looga saari lahaa kanserka Alqacida oo jirka dhan halista ku ah.

Kismaayo sida ay hadda tahey ayey kun jeer uga fiicantahey in Al Shabaab heysato. Waana is bar bar dhig aan hagaagsaneyn,laakiin waxaa igu kallifey inaan sameeyo markaan arkey bulshadii qeyb ka mid ah oo ku hadlaya in Shabaab heystaa fiicneyd. Dadkaasi waa dad aan Shabaab musiibadiisa markii horeba si fiican u fahamsaneyn ayaa la oran karaa.

Waxa ugu xun oo imaan kara oo laga baqayo waa iyadoo Kenya ka sameysa Kismaayo maamul iyada hoos taga oon soomaaliya hoos imaan oo ay danaheeda ku fushato. Taas haddey dhacdana way ka wax dhibaal yartahey ayaan qabaa in Shabaab heysto Kismaayo. Al Shabaab waxa ay yihiin waxaa kuu soo koobaya is qarxintooda iyo nafti hallignimadooda. Nin nafti hallig ah oo qarxiye dhexda ugu xiranyahey oo doonaya inuu isku kaa qarxiyo iyo qof xisaab idinka dhaxeyso ood ku muransantihiin miyaa wax la is bar bar dhigo ah? Keebaad labadaas qofood dooraneysaa in aad wax la wadaagto?

Qeylada Kismaayo ka yeereysa hadda iyo aaamusnaantii iyo xasilloonidii hore magaalada uga jirtey markey Shabaab heysteen farqiga u dhaxeeyaa wuxuu kala yahey farqiga u dhaxeeya meel ay dad nool oo buuqayaa degganyihiin iyo qubuuro aad u xasilloon oodan juuq ka maqleyn.

Warsame Gaabane

Wadaadyare09@gmail.com


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. walaal sade says:

    Aragti aad uga fog tan wax magaradku ku hadaaqayaan. Waa dad nool oo qaylinaya iyo qabuuro aan shanqar lahayn. Qoraagu aad ayuu u aragti dheeryahay waana wax lagu farxo in wali somali dadkaas oo kale noolyihiin.

  2. cabdulaahi says:

    axmed madoowe, waa mujaahid eey dadka deegaaanka kudaba feelsanyhin marka yaa waxba warka sii looqaadin ilahay ha daayo axmed madoowe geesi usoo baxay jubalnd




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Kismaayo (4) Dhagayso:- Jaaliyada Beesha Sheekhaal ee Jarmalka oo Taageeray Mid kamid ah M/waynayaasha Jubbaland
- May 24, 2013
Jaaliyada kasoo jeeda Beesha Sheekhaal oo ku nool dalka Jarmalka ayaa taageerayay Xasan Xaaji ...
guryo-burburin-003 Dhagayso:- Howlgal laga sameeyay degmada Luuq ee gobolka Gedo
- May 24, 2013
Ciidamada amaanka oo ay horkacayaan masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo  ...
mud.. Dhagayso+Sawiro:- Banaanbax looga soo horjeedo M/Wayne Ismaaciil Cumar Gelle oo Maanta ka dhacay Jabuti
- May 24, 2013
Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo Madaxwaynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa maanta ka ...
amiin22 DHAGEYSO:Gabayga Mise Guurowga Ugu Hadalhaynta Badan Saaxada Saxaafada Soomaalidda Todobaadkaan.
- May 24, 2013
Farshaxaniistaha Caanka ah ee Amin Caamir oo loo yaqaan (Amin Arts) ayaa ka sameeyay ...
DSC06955 Dhagayso:- Wasiirka arimaha Dibedda Somaliya oo sheegtay Shirwayne looga hadlayo Jubboyinka Muqdisho in lagu qaban doono
- May 24, 2013
Wasiirada arimaha dibadda wadamada ku Bahoobay Urur goboleedka IGAD oo maanta kulan ku yeeshay ...
2 Wasiirada arimaha dibadda Urur goboleedka IGAD oo kulan ay ku yeesheen Addis Ababa qodobo kasoo saaray
- May 24, 2013
Wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka urur goboleedka IGAD, ayaa ku booriyey dowladda federaalka ah ...
images Qof Rayid ah oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Gaalkcyo
- May 24, 2013
Waxaa Xalay Fiidkii Ladilay Qof Rayid ah oo kasoo Jeeda Dhinaca Maamulka Puntland Kaas ...
images (1) Dhagayso:- Madaxweynaha Galmudug oo ka Hadlay Amaanka Degaanada Galmudug
- May 24, 2013
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa ka hadlay Amaanka Magaalada Gaalkcyo iyo ...