Layaab Nin naagtiisa ku eedeyey Inay fool xuntahay deg degna ufuray
Guurku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu muhiimsan nolasha qofka, waase hadii uu helo Oori (xaas) ama Say uu ku negaado ama ku nagaato, taasi oo ay ku lamaansan tahay baraaraha nolasha ama guuldarada.
Inaad hesho qof nolasha kula wadaago waxay kugu qaadan kartaa waqti kooban ama mid dheer hadiise uu noqdo guurku mid rayn rayn leh oo rajadii la lahaa la gaaro halkaasi waxaa ka bilaabata nolol cusub iyo aasaas qoys, balse taasi hadii la waayo natiijadu waxay noqotaa “nagu kala wad” iyo in dhabarka la is xijiyo iyadoo furiinku ku yimaado ugu weynaan in la isku fahmi waayo nolasha waana halka marka uu dhaco furiinku qof kasta niyada ku qaboojiyo “Calafka ayaa intaasi ku ekaa”.
Hadaba furiin ka duwna kuwa caadiga ah ee lamaanahu ku kala boodaan ayaa dhawaan ka dhacay dalka Shiinaha ka dib markii nin lagu magacaabo Jian Feng uu maxkamad tagey, isagoo sheegay in uu doonayo in uu furo xaaskiisa isagoo sabab uga dhigay fool xumo uu indhaha la siin karin, taasi oo u muuqata markii uu guursanayey inaanu u jeedin oo ay ka aheyd mar uun aroos.








