HOHEY GAABISIDAA, MA GAAS BAAN LAGU SIIN????*Qormo Xiisa Leh Arrimaha Jubooyin iyo Gedo*

Cinwaakan sare wuxuu ka mid ahaa “Geeraar” uu Duuliye (AUN) G/Sare Xirsi Booddo xilli hore u tiriyey diyaarad uu dagaallo badan uga qayb qaatay waayo baaskii 1977/78 ka dhacayey Geeska Afrika. Waxaa weedhaas i xusuusiyey – shanqaro aan qaarkood habboonayn oo laga soo sheegayo Kooxo rag u badan oo asbuucyadaan bay Xamar shirar aan macne sii buuran lahayn makhaayadaha ku qabtaan la yiraadho. Qaarkood hawlo aanay shuqulba ku lahayn oo Hawlaha Maamul U Samaynta Jubbaland bay “Ha Lagaa Sheego” darteed media ku sheegga qaarkiis uga yabqaane; waxaan marna qaadan kari wayney, kuwa Jubbaland u dhashay ama la dhashay oo waqtiyada ku luminaya ama la luminaya ragga Kafantooda Tolaaya ee Shariif Sakiin, Xaabsade, Hebelka Dalxa, wiilkii Indhaha Cas cas ee aan Rabbiba u abuurin TV-ga ka sheeganayey iyo kuwa kale oo Jalalaqsi iyo Galgaduud in ay u dhasheen la sheego, iyagoo xilal iyo manaasib qaran sheeganaya – misna xiqdiga nacasnimo iyo xasdiga naaqusnimada ku jallaafaynaya Shaqada Ummadeed ee Jubbaland ka socota. Kuwaas dambe ee Reer Jubbaland ee Xamar-tii  (Allaah ha u naxariistee) dugaaggu cunay la haysteyaasha ku ah, waxaan ku leenahay - Meerisyadii uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan tan oo kale ka yiri: “Illayn doqoni calaf ma leh  Dubaax maxaa ka baylahay; War Dalkaba idinkaa lehe Dawlad maad u noqotaan!!!”. Waxaanna ugu sii daraynnaa xadiith-kii oranayey: “Mu’minka isla hal god labo goor lagama wada qaniino” iyo Maahmaahdii Soomaaliga ahayd ee “Mar i gade Allaha dago; Bahdaana (beeshaada) haan qarroorkeed looguma taliyo“. Oo misna yaabka la arkay, odayaashu illowshiinyo dhawaa!!!. Nimanku sidee bay u hilmaameen  – Teendhadii Dhagarta ee Carta oo iyagoo 18 Gobol ka ah 9 1/2, iyagoo Jamhuuriyaddii Soomaaliya 48-50% ka ah, oo haddii Soomaalida Gobollada Bariga Afrika degta lagu daro 70-75% ka ah; misna Hantidii Maguurtada ahayd ee Xamar qaran jabkii ka hor 54% gaarka u lahaa; uu qolka mugdiga ah Ina Cumar Geelle 2000kii 1/5 ama 4.5 waliba quursi leh u soo garraariyey; miyaa misna maanta sooryo quureed oo waliba sida loo badinayo sixir lagu qooshay, qabuurihii aabbeyaashood lagu qashay shirar qurmuun iyo guriyihii laga dhacay oo rag kale sheeganayo dushooda loogu qabanayaa!!.

Caku annaga’e, “Garba diiri marna Reer dagan ma weydo” miyaan ku jireynnaa???. Ragga maanta Shariif Sakiin arrimaha Maamul U Samaynta Jubbaland kala shirayaa, durba ma hilmaameen: Khudbaddii doqonnimo ee Jaalle Shaati Guduudkii SRRC uu Baydhabo ka aqriyey maalintii uu Madaxweynaha aan cidi u dooran isugu caleemo saaray Gobollada Koofur Galbeed ee uu Jubbaland oo dhan ku sheegay dhul Digil iyo Mirifle. Ma  hilmaameen Subaxdii General Cali Maxamed Xasan Looyaan (Cali Madoobe) Taliyihii Guud ee Booliska Soomaaliya oo ciidan tababar Shiina ugu qaadaya 2008, ay lacagta “Baadda ah” in uu bixiyo ay qoryaha ugu soo gurteen Xaabsade, Kiish-Bur, Saransoor iyo cawaankoodu?. Oo maxaa nimankan budadooda buunshaha ku daray?. Wixii Soomaali kala dhexeeyey iyo wixii ay gaarka u tabcadeen boqollaalka sano meeye?. Bannaan idinkoo u jeeda, maxaa babacda idin saaraya?. Nin aan wax lahayni in uu waxaaga lugta ku walaaqo maxaa kugu jirrabaya?. Miyaan qaarkiinna u soo joogin ama aysan maqal ku soo gaarin – Shirqoolladii Dhagarta iyo Qabyaaladda ee (1) Beledweyne 1962 SNC (Somali National Congress) oo ay Maxamed Ibraahin Cigaal iyo Sheikh Cali Jamcaale maleegeen; (2) Wardhiigley 1972 Kulmiye iyo Jaamac Maxamed Qaalib wixii tidcayeen; (3) Jabbuuti June 27, 1977 ee Kulmiye iyo Xasan Guuleed Abtidoon oo uu Ina Cumar Geelle xoghaynta u ahaa; (4) Yaaqshiid 1986 Maxamed Sh. Cismaan iyo Liiqliiqato midkii ay isla guddoominayeen; (5) Dirirdhabe June 1989 Caydiid iyo Cabdiraxmaan Tuur oo maraggeedii halkan joogo; (6) Hotel Gurguurte (Xamar) April 1992 Go’aankii  SNM Cismaan Kalluun, Saleebaan Gaal iyo madaxdii USC oo markhaatigii halkan joogo; (7) Jabbuuti  June 1992, August 2000, January 2009 iyo (8) 33 shirar luggooyo (inta la og yahay) oo shirqoollo noocoodu liito lagu wada maleegayey. Dabcan, “Dhidar xabaalo qodaa, qurun buu ka dherga oo uuna aakhirkii u dhacaaye“, wixii ka dhashay wada aragnay. Dabcan qaarkiin badani waa uu ka dheregsan yahay (donqonta mooyee) – waxa ka dhacaya Eastligh Nairobi iyo Garrisa Nov. 18-22, 2012 meesha laga soo maleego iyo cidda u xil saaran oo Xamar, Nairobi iyo Dubai u kala joogta. Dagaalkii Yoontoy ee Nov. 26, 2012, in lagu laayey rag hadda Xamar laga soo diray oo Ciidanka Xoogga Dalka Beelaha Xamar lagu sheego ka tirsan oo kuwa noolna la qabtay, qaarkiin waa ay la socdaan. Xaggee bay soo mareen wiilashii Al-Shabaabka ee uu Sheikh Shariif Xabsiga Xamar ka soo daayey  September oo hadda Kismaanyo 100 in ka badan lagu qab qabtay?. Markasta in Xamar waxkasta oo soomaaliya loogu talagalay la geeyo , oo in aad Baydhabo wax la wadaagto ay Shariif Sakiin iyo kuwo kale kuu shirsadaani – ma han yaraan bay kaa tahay (mayaba’e)?. Ma hoosaasinta yeela oo hooya oo ku go’a baa (yes)? Mise raggu sixir bay hambadeen oo Sakiin baa heeco rabbaysan oo haruub raaca taqaan iyo haatoy weeye ka weelay ????!!! Hebelliyo heblow, horta waa sidee?. Hawowaale iyo war hadoofa oo………….Hootada bel eeg hanaqaaga suran………..Haddu waa haddee……….. Beentiyo hungada, hoosaasintaa, heshiisyada qurmuun, halakada suntoo rag horow dhinteen, heesaha maldahan……………. Hugunka kala codkaa, hordhaciisa garo, hareeraha bal eeg, waxa digif hingilan…………Gobannimo higsoo………Habaaskana ka toos oo horay u soco, hadalkana yaree. Erayadan waxaan ka soo halka qaaday Maanso Boqol bayt ah oo aan soo daabacidoono dhawaan Allaah idanki.

Cabdulwali Cabdullaahi

 

Afeef:Maqaalada iyo Faalooyinka ku soo baxa Warbaahinta Saadaal waxay gaar u yihiin Qoraha ku saxiixan,sinaba ugama Turjumaan aragtida Saadaal

 

 

Saadaalnews@gmail.com


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (7)

  1. ismail says:

    NINKANI XIKMAD WAAQORAY YAASE OG DHUUXI KARTA DUN BUU UHADLAY BALSE DAD HUNGURI IYO SOOR QUUREED RAAC AH AYAA ARLADII WADA JOOGA

  2. Ikhlaas says:

    Hadii hadal iyo xikmad wax tarayso waa loo sheegay reer qurac ee ha fakiraan aayahoodana ha ka tashtaan oo aysan hilmaamin laamigii karkarintii 1991 ee raxawayn samaysay war hooooooy baraaruga

  3. Indhergarad says:

    Ikhlaas, yaa sababteeda lahaa “Karkarintii 1991″???

    Ninka la yiraaho C/laah, “Caqligaaga” ayaad hadashay.

  4. Siyaad omar[siyad.octobar] says:

    Wale dadow intd wax ogtihin yara war hoy inta afka laga hadlin maskaxda hashaqayso

  5. maskiinka says:

    Umad yahay waxan idinkula dardaarmaya marka hore ilah inaad ka cabsataan meel walba aad joogtaan,then aan isku duceeyno in ilaah Somali quluubtooda isku furto qabiilkana ka saaro ,sababto ah dhaman waxad ka dhawajiseen iyo qormada waxay ku saleysan tahay intaba waa waxii 21 sano dib ino dhigay

  6. qowdhan says:

    nacas yahow wariye isku sheega ah wax fiican soo qor ama iska aamus sharif xasan dhulka jubooyinka ilaa bay iyo bakoo gedo sh hoose isaga ayaa iska leh go,aanka isaga uu soo gaaro ayaa soconaya maxaad tari kartaa adiga loool

  7. ibrahiim says:

    kkkkkkk war heedhe raxawey ma waxey rabaan inaan bakaarihi ka soo qufano war hor mey jogan waa la isyaqaanaaye sakiin naftiisuunacay haduu gado iyo kismanyo sheegtee mareexaan buusan aqoon mise 1991 buusan joogin wixi kadanbeeyey laf baan ku wasaeynaa raxaweyn iyo hawiyaba hadey ku hadlaan degaan keena




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

dagal1 Dhagayso:- Ciidamo ka socda Siriliyoon oo Taabta gaaray, iyo Mushaaraad la siiyay Ciidamadda dowladda ee Kismaayo ku sugan.
- May 23, 2013
Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka howlgala Magaalada kismaayo ayaa lasoo sheegayaa in la ...
Dagaal-Gedo Dhagayso:- Dagaal Culus oo ka dhacay Gobolka Gedo
- May 23, 2013
Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya dagaal u dhexeeya Ciidamadda ...
Fiqi-300x201 Dhagayso:- Dowladda Soomaaliya oo ka Mamnuucday Garoomada muqdisho iyo Nairobi Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad sugida Eng Fiqi.
- May 23, 2013
War kasoo baxay Wasaarada arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa hakad lagu ...
100_8149 Dhagayso:-Banaanbax Lagu Tagerayeey Jubbaland oo Gobalka Sanaag Kadhacay
- May 22, 2013
Waxaa Maanta Magaalada Badhan ee Xarunta Gobalka sanaag ee Maamulka Puntland Kadhacay Banaanbax Balaaran ...
100_8171 Dhagayso+Sawiro Kulan Lagu Tagerayeey Jubbaland oo Boosaaso Kadhacay
- May 22, 2013
Waxaa Maanta Kadhacay Caasimada Ganacsiga Maamulka Puntland ee Boosaaso Munaasabad Balaaran Taas oo Lagu ...
Ciidamada1 Dhagayso:- Ciidamadda DFS ee degmada B/xaawo oo Gadood sameeyay, iyo Taliyihii Ciidamadda DFS ee g/ Gedo oo la badalay
- May 22, 2013
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maanta ka sameeyay degmada Baladxaawo ee ...
DSC06605 Dhagayso:- Xildhibaanadii Mooshinka keenay oo sheegay Awoodii R,W Saacid in uu la wareegay Xasan Sheekh
- May 22, 2013
Kadib markii Maanta dib loo dhigay Mooshinkii ay qaar kamid ah Xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ...
xoosh-300x168 Dhagayso:- Xildhibaan C/rixman Xoosh Jabriil oo ka digay Madaxwaynayaasha Faraha badan ee Kismaayo inay Al-shabaab ku biiraan
- May 22, 2013
Xildhibaan C/rixmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah Mudanayaasha baarlamanka Federaalka Soomaaliya, xubina ka ah ...