Kooxda Qaranka Soomaaliya Oo Ka Hartay Koobka Cecafa Tusker Challenge
Kampala (Saadaalnews) Waxa shaley la soo gabagabeeyay wareega koobaad ee ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa oo sannadkan lagu qabanayo waddanka Uganda.
Ciyaarihii shaley dhacay waxa ka mid ahaa ciyaar kooxda Qaranka Soomaaliya ay la cayaartay kooxda waddanka Tanzania oo loogu yeero Kilimanjaro Stars halka kooxda Soomaaliya loogu yeero Ocean Stars.
Ciyaarata labada koox waxa waqtigii loogu talagalay ay ku dhammaatay 7 iyo 0 oo looga adkaaday kooxda qaranka Soomaaliya.
Waa Goolashii ugu badnaa ee laga dhaliyo tartanka Cecafa Tusker Challenge labadii sano ee la soo dhaafay.
Kooxda Soomaaliya seddaxdii kulan waxa laga dhaliyay 13 gool, halka ay ka dhaliyeen hal gool oo keliya, kaasoo oo u dhaliyay weerraryahanka kooxda Heegan Jibriil Xasan Fariid.
Kooxda ayaa berri ka soo ambabi doonta caasimada Uganda ee Kampala , waxana ay ku soo jeedaa magaalada Muqdisho.
Haddaba maalinta berri ayaa lagu wadaa in dib loo bilaabo wareega siddeeda koox ee tartanka Cecafa Tusker Challenge ee sannadkan ka dhacaya waddanka Uganda.
Guud ahaan 8 xul ayaa u soo gudbay wareegga labaad ee ee Knock-Out-ka loo yaqaan.
Group A: Waxaa ka soo baxay Uganda, Kenya iyo Ethiopia.
Group B: Waxaa ka soo gudbay Burundi iyo Tanzania.
Group C: waxaa ka soo baxay Ruwanda, Malawi iyo Zanzibar.
Sida kooxaha Groupyada uga soo baxeen waa sidan:
Group A
| Pos | Team | P | W | D | L | GF | GA | GD | Pts |
| 1 | Uganda | 3 | 3 | 0 | 0 | 6 | 0 | 6 | 9 |
| 2 | Kenya | 3 | 2 | 0 | 1 | 5 | 2 | 3 | 6 |
| 3 | Ethiopia | 3 | 1 | 0 | 2 | 2 | 4 | -2 | 3 |
| 4 | South Sudan | 3 | 0 | 0 | 3 | 0 | 7 | -7 | 0 |
Group B
| Pos | Team | P | W | D | L | GF | GA | GD | Pts |
| 1 | Burundi | 3 | 3 | 0 | 0 | 7 | 1 | 6 | 9 |
| 2 | Tanzania | 3 | 2 | 0 | 1 | 9 | 1 | 8 | 6 |
| 3 | Sudan | 3 | 1 | 0 | 2 | 1 | 3 | -2 | 3 |
| 4 | Somalia | 3 | 0 | 0 | 3 | 1 | 13 | -12 | 0 |
Group C
| Pos | Team | P | W | D | L | GF | GA | GD | Pts |
| 1 | Rwanda | 3 | 2 | 0 | 1 | 5 | 2 | 3 | 6 |
| 2 | Malawi | 3 | 2 | 0 | 1 | 5 | 4 | 1 | 6 |
| 3 | Zanzibar | 3 | 1 | 1 | 1 | 2 | 3 | -1 | 4 |
| 4 | Eritrea | 3 | 0 | 1 | 2 | 2 | 5 | -3 | 1 |
Saadaalndews
Xafiiska Wararka Muqdisho
Tags: Kooxda Qaranka Soomaaliya Oo Ka Hartay Koobka Cecafa Tusker Challenge








