Dhagayso: Wadooyinka Dhuusa-mareeb oo qaar la xiray
Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in la xiray qaar kamid ah wadooyinkii soo gali jiray Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka galgaduud.
Madaxa amniga Dhuusa-mareeb Farxaan Macalin Cali “Farabadan” oo la hadlay Warbaahinta saadal media ayaa sheegay in la xiray wadada aada dhinaca magaalada Ceel-buur ee gobolka galgaduud kadib markii maamulka ahlusunna ay soo gaareen warar sheegaya in wadadaasi ay kasoo socdaan dad lidi ku ah amaanka.
Wuxuu sheegay baaritaano xoogan in ay iminka ka soconayaan wadadaasi, isla markaasina inta baaritaanku uu socdo cidii lagu qabto ayadoo isticmaalaysa sharciga lala tiigsan doono.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.