Dhagayso: Al-shabaab oo ka hadashay Dagaaladi ugu danbeyay ee ay qaadeen
Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay howlgadii ugu danbeeyay ee ay ka fuliyeen gobolada dalka 24 saac ee lasoo dhaafay.
Afhayeenka dhinaca howl galada Al-shabaab Cabdicaiis Abu Muscab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afkooda, aya sheegay howlogalo in ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolada Shabellada Hoose iyo Bay.
Wuxuu sheegay kolonyo ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo marayay gobolka shabeelada hoose weerar xoogan in ay ku qaaden isla markaasina ay khasaare gaarsiiyeen.
Sidoo kale wuxuu sheegay duleedka degmada Bardaale in ay weerar culus ku qaadeen, halkaasi ay ciidamadoodu khasaare ku gaarsiiyeen Ciidamadda dowladda Soomaaliya.
Hoos ka dhagayso Isagoo amuurahaasi faah faahinaya Abu Muscab
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.







