Dhagayso: Haweenay xalay lagu dilay Degmada Dayniile
Dableey hubaysan oo haybtooda la garanayn ayaa xalay ku toogtay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir haweenay rayid ah.
Gudoomiyaha Degmada Dayniile Daahir Xassan Xusen oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay kooxihii dilka gaystay in ay ku raadjoogaan isla markaasina waqti walba ha qaadatee ay gacanta kusoo dhigi doonaan.
Gudoomiyaha ayaa shegay haweenayda la dilay in ay ahayd qof rayid ah isla markaasina aysan garanayn sababaha keenay dilkeeda.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dilka haweenaydani ayadoona gudaha degmadaasi ay kusoo laalaabteen marar badan dilalka loo gaysanayo dadka rayidka ah.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.







