Dhagayso” Maamulka Ahlusunna ee degmada Caabudwaq oo Maanta Shir jaraa”id Saxaafadda ugu qabtay gudaha degmadaasi

Shir jaraa’id oo maanta Saxaafadda ugu qabteen Degmada Caabudwaaq Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Culima’udiinka Ahlusunna Wal-jamaaca ee ka arimiya qaybo kamid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya ayay oga hadleen xaalada guud ee degmadaasi.

Ugu horayn ayaa waxaa shir Saxaafadeedka ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Xassan Cabdi Calas “Caabudwaaq” wuxuuna sheegay in shirkani loga warbixinayo waxyaabihii laga qabtay degmada iyo horumarkii ugu danbeeyay ee maamulku uu sameeyay.

Wuxuu sheegay Gudoomiye Xassan Caabudwaaq in la qabtay sanadkaan dhamaadka ah gudihiisa howlo badan oo wax ku oola kuwaasoo laga qabtay gudaha degmada iyo deegaanada kale oo hoos taga Maamulka.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay xaaladda amaan ee degmada in ay tahay mid dagan oo la isku haleen karo isla markaasina loo baahanyahay hay’adaha gar-gaarka iyo cid walba oo doonaysa in ay wax ka qabato degmada ay u furantahay iskuna halayn karaan.

Sidoo kale waxaa isna shirka Jaraa;id ka hadlay Sheekh Mahad Khaliif Rooble madaxa arimaha bulshada ee Maamulka Ahlusunna ee degmada Caabudwaaq, wuxuuna ka sheekeeyay xaalada guud ee degmada iyo tan iyo markii ay ahlusnna gacanta ku dhigeen horumarka la gaaray.

Wuxuu tibaaxay Mahad Khaliif Maamulka Ahlusunna in uu yahay maamulka kaliya ee ka hirgalay gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Shekha ayaa sheegay dhinaca horumarka ay gaareen in ay kamid tahay amaanka wuxuuna sheegay sanadkani aynu ku jirno gobolada dhexe in ay soo gaareen wufuud heer caalami ah.

Hoos ka dhagayso Shirkii Jaraa”id

Codka Koowaad waa Sheekh Mahad Khaliif

Codka Labaadna waa Gudoomiye Xassan Cabudwaq

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. sh c/laahi sh faarax says:

    walaal xageey ka shaqeeyaan maamulku ayagaaba waa hore kabaxay meel walba oy joogeene dadka beenta ka daaya alle ka cabsadoo

  2. Majeerteen yare says:

    oo ayagu maxay xukumaan hawiyihi ahlusuna waxay ku biireen dawlada,marka yaa u joojinaya kuwaan

  3. garaad yusuf says:

    asc waxay ila tahay suufiya wax ay sharaf leeyihiin majirto sharaf toodu waa in ay amxaaro u adeegaan wax qabad ka xageebay ka keenayaan iyo nadaamka iyagaaba gaajo socoto ah ee war dadka ha qaldina sufaho

  4. Indhergarad says:

    Nin adduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban!

    5 sano ka hor, markii ugu horraysay ee uu arko calan, Mahad Khaliif waxaa uu yiri “muxuu ahaa calalkaan xun ee meesha ka lusha?!!!”, waxaana la fahamsiin kari waayay muhiimad uu leeyahay iyo in uu jiro wax la yiraahdo calan. Xarunta Dhexee ee police-ka degmada Caabudwaaq ayay tani ka dhacday.

    Maanta, “Madaxa Arrimaha Bulshada” ayuu ku hadlayaa.

  5. Indhergarad says:

    Oo waayahe, maxaa laga wadaa Madax Arrimo Bulsho?

    Suaal kalana waxay tahay; raggii la baxay ASWJ hadafkoodii waa ay ku gaareen. Magacee ayay ku hadleen Hassan iyo Mahad???

    Neef la gowracay geedo kama waabto.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

caasimada-muqdisho (1) Howlgalo Balaaran oo saaka ka socda Muqdisho
- Jun 19, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliiska iyo nabadsugida ayaa waxa ay saaka howlgalo ka ...
Sequence-06.Still0081 Dhagayso:- Shirwayne looga hadlayo Amaanka Qaranka oo Muqdisho lagu qabanayo
- Jun 19, 2013
Wasiirka arimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta kula hadlay magaalada ...
IMG_4284 Dhagayso:-Raysal wasaaraha”Jaamacadii Umada Soomaaliyeed ayaan dib u furaynaa”
- Jun 19, 2013
Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in dib loo furayo jaamacadii ...
Shabaab 4 Dhagayso:- Dowlada oo u Jawaabtay Al-Shabaab
- Jun 19, 2013
Xili Al-Al-Shabaab ay soo bandhigeen labo askari oo ay sheegeen in  ay ka goosteen ...
Sequence-06.Still007 Dhagayso+Sawiro:-Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Maanta Muqdisho Odayaal Dhaqmeed Kulan kula qaatay
- Jun 18, 2013
Kulanka uu wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guuleed la qaatay ...
2 (2) Dhagayso+Sawiro MCH Cusub oo maanta laga Furay Caabudwaaq
- Jun 18, 2013
Waa munaasibad maanta lagu furayay MCH-cusub Kaasi oo Loogu magacdaray Mid kamid ah xafadaha Magaaladda ...
images Dhagayso +Warbixin :-Dhaawacii Coll Yaasin Radeer Kadib Caawa waa Side Kismaayo
- Jun 18, 2013
  Kadib markii maanta ay Dhawaceen Maleshiyaad Hubaysan oo isbaaro Dhigtay Gudaha magaalada Kisamaayo Coll ...
IMG_429011-300x200 Dhagayso:-Dhamaan Khudbadihii laga Jediyeey Shirweynihii Dib u Habaynta Waxbarashada Dalka soomaliya
- Jun 18, 2013
  Warbaahinta Caalamiga ah ee Saadaal Media waxay Idiinso gudbinaysa Dhamaan Khudbadihii laga Jediyeey shirweynihii ...