Dhagayso: Wasiirka arimaha dibadda Somalia oo sheegtay in lasoo celin doono hantidii qaranka Soomaaliyed uu lahaa
Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo shir jaraa’id saxaafada ugu baqatay gudaha magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ay soo celin doonaan hantidii qaranka Soomaaliyeed uu lahaa ee maqan.
Waxay sheegtay wasiirku in ay shacabka Soomaaliyeed isdajiyaan isla markaasina ay waqti walba ha qaadatee soo celin doonaan hantidii qaranka Soomaaliyeed uu lahaa sida dhulalka safaaradaha iyo sidoo kale Maraakiibta ku maqan gacmaha shisheeye.
Marwo Fowziya ayaa sheegtay hanti walba oo lahaa qaranka Soomaaliyeed in dib loosoo celin doono, isla markaasina ay kusoo laaban doonto gacanta Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay ku garab istaagaan sidii ay hantida qaranka usoo celin lahaayeen.
Hoos ka dhagayso
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.








