Dhagayso: Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Fowziya Yuusuf oo ka hadashay safarkooda Turkiga
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo kamid ah wafdi balaaran oo horkacayay Madaxwaynaha Jamhuriyada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo maanta u kicitimay Dalka Turkiga oo martiqaad rasmi ah ay ka helaan ayaa ka hadashay ujeedka Safarkooda.
Wasiirada ayaa sheegtay madaxda dowladda Turkiga in ay ka heleen Casuumaad rasmi ah isla markaasina ay gaari doonaan dalkaasi, waxaana ay xustay wasiirada arimo badan oo khuseeya Soomaaliya in ay kala soo hadli doonaan.
Marwo Fowziya ayaa sheegatay Wafdiga Madaxwaynaha in ay ku wehelinayaan qaar kamid ah gollaha Wasiirada, waxaana ay xustay wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya iyo Wasiiro kale in ay ku wehelinayaan Madaxwaynaha,
Wafdiga u kicitimay Turkiga ayaa wuxuu ahaa Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud oo ay wehliyeen K/X R/Wasaaraha ahna Wasiirka arrimaha dibadda Fowsiya yuusuf Xaaji ,Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan,Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi,Taliyaha Ciidmada Xoogga Dalka Gen.C/qaadir Sh Cali Diini, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Axmed Macallim Fiqi iyo saraakiil kale.
Hoos ka dhagayso
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.







