Dhagayso: Xabsiga dhexe ee Muqdisho oo la gaarsiiyay daawooyin
Ku simaha Agaasimaha waaxda caafimaadka wasaarada Adeega Bulshada iyo horumarinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta deeq daawo ah gaarsiiyay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in arintani ay ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in loo baahan yahay in la daryeelo maxaabiista xabsiga dhexe ku jirta.
Ku simaha Agaasimaha waaxda caafimaadka wasaarada Adeega Bulshada iyo horumarinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dhaqaatiirta daaweyn laheyd maxaabiista iyo sidoo kale daawada intaba ay ku wareejiyaan taliska xabsiga Dhexe.
Taliyaha xabsiga dhexe ee xamar Xasan Xuseen oo isna halkaasi saxaafada kula hadlay ayaa ka mahadceliyay daawada iyo dhaqaatiirta maanta xabsiga loogu keenay ee loogu talo galay maxaabiista xabsiga dhexe ee xamar.
Xabsiga dhexe ee xamar ayaa waxaa ku xiran maxaabiis badan oo ku eedeesan dambiyo kala duwan kuwaasi oo qaarkood halkaasi xaalado caafimaad daro ay ku haysato.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.








