Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Soomaaliya Oo U Ambabaxay Turkiga
Muqdisho (Saadaal Media) Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta duhurkii ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho iyagoona u ambabaxay waddanka Turkiga.
Wafdiga madaxweynaha waxa ku jira wasiiro ay ka mid yihiin ra’iisul wasaare ku xigeenka, Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Saleebaan.
Wafdiga madaxweynaha ayaa la kulmi doona madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül, ra’iisul wasaare Recep Tayip Erdogan iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Turkiga.
Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tago dalka Turkiga, tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Soomaaliya 10-kii September ee sannadkan 2012-ka
Saadaal Media
Xafiiska Wararka Muqdisho
Tags: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Soomaaliya Oo U Ambabaxay Turkiga








