Maraykanka Oo Ka Hadlay Khataraha Al-Shabaab Iyo Al-Qaacida
Washington (Saadaal Media ) Abaandulaha ciidamada Maraykanka ee Africa General Carter Ham oo ka hadlaayay Jaamacadda George Washington ayaa sheegay in weli Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ay yihiin kuwa halis ah ku qaaradda Africa iyo adduunka.
Wuxuu sheegay General Ham in Al-Qaacida iyo xulafadooda uu ka dhexeyo isku xir ballaaran taasoo weli muujineysa khataraha ay ku hayaan waddamada caalamka gaar ahaan Africa.
Wuxuu kaloo sheegay in laga soo bilaabo Boko Xaraam, Al-Qaacidada Maali iyo kuwa Al-Shabaab ee Soomaaliya uu ka dhexeyo xiriir weyn taasoo weli wiiqi karta dedaalada nabadda ee socda.
Muxuu Ka Yiri General Ham Arrimaha Soomaaliya?
Mar uu ka hadlaayey arrimaha Soomaaliya ayuu sheegay in Alshabab ay kala kulmeen ciidamada Midowga Africa ee Jooga Somaliya AMISOM Cadaadis weyn marka la eego goobaha dhowaantan gacantooda ka baxay sida Magalada Dekeda ah ee Kismaayo , laakinse waxuu rajo xumo ka muujiyey in Somaliya oo aanan 20 sano helin dowlada xoogGan ay adagtahay in Al-Shabab laga ciribtiro Soomaaliya xilliggan.
Wuxuu yiri ‘’ Deddaalada Midowga Africa ee ay Taageerayaan Beesha Caalamka, oo uu Mareykanku kamid yahay ayaa u wood u siiyey in Ciidamada African AMISOM inay difaacan Soomaaliya kaddibna , kuna qasbay inay Al-Shabaab ka saaraan Meelihii ay muddada dheer gacanta kuhayeen ee Muqdisho iyo magalada Kismayo,”
Wuxuu sii hadlay wuxu yiri “ Haatan waxay aniga illa muuqdaan Al-Shabab inay ku jiraan hannaan aysan ku badbaadikarayn iyo waliba cadaadis xooggan oo saran oo uga imanaya ciidamada dalalka Uganda iyo Burundi oo kam imanaya Muqdisho, Ciidamada Kenya ee Koonfur Galbeed iyo kuwa Ethiopia oo haatan kusoo biiraya,”
Ugu dambeen wuxuu yiri “Waxay anniga illa tahay taasi inay tahay hab aad u wanaagsan oo lagu wiiqo karo kooxda argagixisada ee Al-Shabaab”
General Carter Ham, waa taliyaha xukuma ciidamada Maraykanka ka jooga Africa, waxana uu aad indhaha ugu haya xiriirka ka dhexeeya Al-Qaacida iyo kooxaha xiriirka la leh ee ku sugan Waqooyiga , Saxaraha iyo Bariga Africa.
Saadaal Media
Xafiiska Wararka Washington
Tags: Maraykanka Oo Ka Hadlay Khataraha Al-Shabaab Iyo Al-Qaacida








