Wafdi ka socda IGAD iyo gudiga Maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo oo Maanta gaaray Kismaayo
Kismaayo (Saadaal Media) Waxaa maanta gaaray Magaalo xeebeeda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose Wafdi balaaran oo ka socda Urur goboleedka IGAD iyo gudiga maamul u samaynta deeganada Jubooyinka.
Wafdigaan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweyay Maasuliyinta kala duwan ee ku sugan Magaalada Kismaayo oo ay ka mid ahayeen Sh. Axmed Madoobe, Sh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax, Col Yasiin Raadeer, Cabdinaasir Seerar,Gen Cali Madoobe iyo Masuliyiin kale.
Wafdigaan ayaa marki ay Garoonka Calamiga ah ee Axmed guurey ka so dageen so dhaweyn ka dib waxaa lo gudbiyay Jamacada Kismaayo halkaas oo noqonaysa Hoyga Rasmiga ah ee ay ku sugnan doona inta ay Kismaayo jogaan.
Wafdigani balaaran ee maanta gaaray Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in ay kulamo la qateen Masuuliyiinta Maamulka Degmada Kismaayo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Amisom.
Gudoomiye ku xigeenka Maamulkii KMG ahaa Yaasiin Nuur Gaas “Raadeer” oo Caawa la hadlay Warbaahinta Saadaal Media ayaa sheegay ujeedka Wafdigu inuu ahaa u kuurgalida howlaha maamul u samaynta deegaanadda Jubooyinka, wuxuuna sheegay kulamo in ay la qaateen kana wada hadleen sidii loosii anba qaadi lahaa howlaha maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo.
Wafdigani ayaa la sheegayaa in ay sidoo kale kulamo la qaateen qaar kamid ah wax garadka Magaalada Kismaayo, waxaana la sheegayaa in ay ka wada hadleen qaabka ugu haboon ee waqtigani maamul loogu samayn karo Deeganadaasi.
Wadatashiyadaas ka dib waxaa magaalada Kismaayo laga dhisaya Maamul Cusub oo KMG ah Madaama mid ka hada jira waqtigiisi dhamaday.
Maaha markii ugu horaysay ee Wafdi ka socda IGAD iyo gudiga Maamul u samaynta deeganada Jubooyinka iyo gedo ay gaaraan Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.








