Dhagayso: Amaanka Dayniile ooo faraha kasii baxaya
Maamulka Dowladda Soomaaliya ee degmada dayniile ayaa cabasho xoogan kasoo yeeraysaa taasoo la xiriirta xaalada amni ee degmadaasi.
Gudoomiyaha degmada Dayniile Daahir Xassan Xusen oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in lala soo gaaro Ciidamo wuxuuna ka codsaday hay’adaha aminiga in ay keenaan degmada Dayniile Ciidamo Nabad sugid ah iyo kuwo boolis ah si loo sugo amaanka degmada.
Hameen ka hor ayay ahayd markii Kooxo hubaysan gudaha degmadaasi ku dileen qof haweenay ah oo kamid ahayd dadka deegaanka.
Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir lagu dilay qof dumar ah oo miis ganacsi ku laheyd Degmada Dayniile, iyadoo rag bistoolado ku hubeysan ay ku toogteen meel aan ka fogeyn gurigeeda.
Gabadhaan ayaa waxaa lagu dilay iyadoo sigaar iyo cabitaan ka iibisay Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana horey looga digay inaysan waxba ka iibinin Ciidamada Dowladda, laakiin ay dadka shacabka ah wax ka iibin karto.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.







