Dhagayso: Gudoomiye Jawaari oo Maanta ka hadlay Kulan deg deg ah oo looga hadlayay Madaafiic xalay lagu garaacay Degmada Baandhoore
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna kusimaha madaxweynaha dalka, ayaa waxa uu xilli uu ka qeyb gelayay kulan deg deg ah oo laga yeeshay madaafiic xalay lagu tuuray Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxa uu sheegay in Xarakada Al-shabaab aysan dowlada Soomaaliya oo kali ah ladagaashaneyn, hasa yeeshee shacabka oo dhan ay dhibaata ladoonayaan.

Jawaari oo kulanka ka hadlayay ayaa yiri, “Al-shabaab waa koox nabad diid ah, waxa ay diidanyihiin wax kasta oo wanaag ah, dowlada kaliya lama adagaashana ee waxa ay diidanyihiin in uu noolaado qof aan iyaga aheyn. xalay waxa ay madaafiic ku garaaceen gooba shacab deganyihiin. arintaasi waa wax laga xumaado.shacabka waxaa laga doonayaa in ay ka qeyb qaataan wiiqida kooxda cadawga ah”.
waxa uu intaab kudaray, “dowlada Soomaaliya waxa ay sii wadeysaa dadaalada loogu jiro ciribtirka kooxda cadawga ah ee Alqaacidada Soomaaliya ilaa dalka dhan laga saarayo”.
Maxamed Osmaan Jawaari ayaa hadalkaan ka jeediyay kulanka looga arinsanaya sidii loo hor joogsan lahaa weerar danbo oo hoobiyaal ah oo lagu qaado madaxtooyada.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.








