Dhagayso: Maamulka Dowladda ee gobolka Shabellada dhexe oo ka hadlay dagaalada ay kula jiraan Al-shabab

Dagaalo xoogan oo hubka cul culus leesku adeegsaday ayaa waxay ka dhaceen Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna dagaaladu geysteen khasaarooyin kala duwan.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ee fariisimaha ku leh Deegaanka Qalimow, ayaa waxaa xalay dagaalo culus ku soo qaaday Ciidamada Ururka Al Shabaab.

Dagaalo culus oo faraha looga gubtay ayaa waxay labada dhinac ay ku dhex mareyn Deegaanka Qalimow, kaasoo ku yaala inta u dhaxeysa Magaalada Jowhar iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Al Shabaab ayaa waxay gudaha u soo galeen Deegaanka Qalimow, inkastoo markii dambe xoog dib looga saaray, balse intii ay gudaha ugu jireyn Deegaanka Qalimow ayaa waxay gubeen hal gaari oo nooca raaxada ah.

Ilaa 6 askari oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen dagaaladii xooganaa ee xalay labada dhinac ku dhex maray Deegaanka Qalimow, walow aysan kala hadlin dhinacyadii dagaalamay.

Dhanka kale Maamulka Dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa ka hadlay howlagadii ugu danbeeyay ee Ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ka fuliyeen gobolka Shabellada Dhexe.

Afhayeenka Maamulka Dowladda ee gobolka Shabeelada dhexe Daa’uud Ciiro oo warbaahinta la hadlaya ayaa sheegay Ciidamadda dowladdu in ay wadaan howlagadii ugu danbeeyay ee ku donayaan in ay kula wareegaan gobolka Shabellada dhexe.

Wuxuu sheegay Mr Ciro Ciidamadda dowladdu in ay dajiyeen qorshe balaaran oo lagu qabanayo deegaanadda ay iminka kaga harsanyihiin Al-shabaab gobolka.

Ciidamadda dowladda Soomaliya ayaa ku sugan deegaano u dhow magaalada Jowhar ee Xarunta gobolkaasi, waxaana ay hanjabaadani kasoo yeeraysa Maamulka DFS imaanaysa xili dhawaanahaan Ciidamadda Al-shabaab ay weerar ku dhufo oo ka dhaqaqa ka wadeen deegaanada ay Ciidamadda Amisom iyo kuwa dowladdu oga suganyihiin gobolkaasi.

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

DSC03160 Daawo Sawirada Boosaaso oo lagu qabtay Kulan kadhan ah Tahriibka
- Jun 19, 2013
Caasimadda Ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa maanta lagu qabtay kulan balaaran kaas oo ay ...
Elman-FC-2 Dhageyso:- Ciyaartoyda Soomaaliya oo guul daro kala kulmay ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika
- Jun 19, 2013
Kooxda Soomaalida ee ka qaybgalaysa ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka socda wadanka ...
ll_3 Dhagayso:-Dadweynaha Boosaaso qarkood oo Biyo La”aan ka Cabanaya
- Jun 19, 2013
Wararka ka imaanaya magaalo Ganacsiga Boosaaso ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xaafadaha magaladaas ...
a_9828 Dhagayso:- Barlamaanka Puntland oo Ansixiyeey Gobal Cusub
- Jun 19, 2013
  Kadib kala Fadhigii 30-aad ee golaha barlamanaka Puntland ayaa maanta loga dooday gobalk Cusub ...
Raysal wasaaraha iyo Qaramada midoobay Ra’iisul Wasaare Saacid iyo Ergaga Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo Kulmay // Maxay ka hadleen
- Jun 19, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si kulul u ...
kay- Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta UNDP
- Jun 19, 2013
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan soomaaliya UNSOM Nicholas Kay,ayaa ...
Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay weerarkii Muqdisho ee maanta
- Jun 19, 2013
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa uga tacsiyadeeyey QM ...
Wasiirka Adeega Dhageyso:- Wasiiro maanata dhagax dhigay goobo waxbarasho oo la dhisayo
- Jun 19, 2013
Mashruuc ururka iskaashiga islaamka ee OIC uu ku dhisayo sodon iyo sadax iskuul muda ...