Dhagayso: Wararkii ugu danbeeyay ee Safarka Madaxwayne Xassan Sheekh iyo Wafdigii la socday
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay booqasho rasmi ah ku tagay wadanka Turkiga ayaa lagu wadaa in maanta kulamadii ugu horeeyay ay la yeeshaan madaxda wadankaasi.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu maanta la kulmo madaxweynaha wadanka Turkiga Cabdallah Goul kadibna wuxuu booqasho xafiiskiisa ugu tagi doonaa raysul wasaaraha Turkiga Rejjeb Deyib Erdugan oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid tahay kaalmo dhanka dhismaha ciidamada oo dawlada Soomaaliya ay weydiisan doonto dawlada Turkiga,
C/qaadir Maxamed Nuur oo ah Xoghayaha koowaad ee safaarada Soomaaliya ee Turkiga ayaa sheegay in wasiirada arrimaha dibadda iyo gaashaandhiga oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ay iyaguna la kulmi doonaan labada wasiir ee dhigooda ah ayna kala hadli doonaan isla codsiga madaxweynuhu u gudbin doono masuuliyiinta Turkiga oo ah dawlada ugu horeysa ee hawlaha dib u dhiska dalka ka qeybqaadaneysa.
Sida uu sheegay xoghayaha safaarada waxaa lagu wadaa in booqashada madaxweynaha ay spoo dhamaato 7-da bishan Disembar xilligaasoo wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ay dib ugu laaban doonaan Muqdisho.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.








