Kulan Xasaasi ah oo looga hadlayo Maamul u samaynta Jubooyinka oo Maanta ka dhacay Kismaayo
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose aya sheegaya in halkaasi maanta ay kulan balaaran ku yeesheen Wafdi ka socday Urur goboleedka IGAD iyo Maamulkii KMG ahaa ee degmada Kismaayo.
Kulankani maanta ay yeesheen Labada dhinac ayaa ka dhacay Jaamacada Magaalada Kismaayo waxaana la sheegay in looga hadlay Maamul KMG ah sidii loogu samayn laha degmada Kismaayo ka hor inta aan la samayn maamulka wayn ee la doonayo in loo sameeyo guud Ahaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Wariye Madax banaan oo ku sugan gudaha Kismaayo ayaa Warbaahinta Saadaal Media u xaqiijiyay Kulankani, wuxuna sheegay Saxaafadu banaan joog in ay ka ahayd kulanka, sidoo kalana ay kasoo qayb galeen wax garad iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Juboyinka.
Saraakil ka tirsan Raaskambooni oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay maalmaha fooda nagu soo haya Magaalada Kismaayo in laga hirgalin doono Maamul KMG ah oo howsha si wada inta laga gaarayo Maamulka wayn.
Saraakiisha Maanta kulanka la yeelatay IGAD yaa la sheegay in ay kamid yihiin Gudoomiyaha Jabhada Raaskambooni Axmed Madoobe Gudomiyaha Ahlusunna ee gobolada koonfureed Maxamed Aw-libaax iyo sidoo kale Saraakiil u kamid ahaa Gen Cali Madoobe Ismaaciil Saxardiid iyo Odayaal dhaqameed.
Illo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyay Labada dhinac in ay markii hore isk fahmi waayeen qaabka maamulka KMG ah awoodiisa loo qaybsanayo, ayadona markii danbe IGAD arintaasi xalisay.
Magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ka soconayay Malmihii ugu danbeeyay shirar balaaran oo looga arin sanayo Maamulka Dhawaan loo samaynayo deeganada Juboyinka iyo Gedo.









Sxb hadii kmj uu mareexaan hogaamin waayo,
igad waxaan leenahay ha isdaaline orad oo dana haago reeco. tankale ogadeenka mur maaya xaafadee baa dagin yihiin kismaayo.
mise kmj waxaa lo magacaabaayaa afmadoow