Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wafdi Uu Hoggaaminaayo Oo Gaaray Turkiga

Ankara (Saadaal Media) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xaley gaaray magaalada Ankara ee waddanka Turkiga.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ankara, halkaasoo ay ku sugnaayeen madax ka tirsan dowaldda Turkiga, Jaalliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku nool.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maanta lagu wadaa inuu kulan la qaato  dhigiisa dalkaasi Cabdalla Guul sidoo kale waxa uu la kulmi doonnaa  Ra’isul wasaaraha Turkiga Recep Tayib Erdogan.

Wafdiga madaxweynaha waxa ka mid ah raysul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Saleebaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay inuu socdaalkoodu la xiriiro xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii madaxda sare ee dalka Turkiga ay ugala hadli lahaayeen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta ammaanka, milateriga iyo dhaqaalaha.

Saadaal Media

Xafiiska Wararka Muqdisho

Tags: 


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Dagaal beeleed Dhaagayso:- Aanooyinka Qabiilka oo kusoo badanaya gobolka Shabellaha dhexe.
- May 25, 2013
Tan iyo markii Kooxda Al-shabaab lagala wareegay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabellaha ...
21_igad_summit Daawo Sawirada:- Shirkii Madaxda IGAD oo lagu heshiiyey in Dowladda Soomaaliya ay qabato shir lagu dhisayo maamulada Jubooyinka
- May 25, 2013
(Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud oo ...
IMG_0287 Akhriso Warqad Furan oo ku Socota Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole
- May 24, 2013
Warbaahinta Saadaal Media Waxa ay Idiin so Gudbinaysa Warqad Furan oo ku socota Madaxweynaha ...
Kismaayo (4) Dhagayso:- Jaaliyada Beesha Sheekhaal ee Jarmalka oo Taageeray Mid kamid ah M/waynayaasha Jubbaland
- May 24, 2013
Jaaliyada kasoo jeeda Beesha Sheekhaal oo ku nool dalka Jarmalka ayaa taageerayay Xasan Xaaji ...
guryo-burburin-003 Dhagayso:- Howlgal laga sameeyay degmada Luuq ee gobolka Gedo
- May 24, 2013
Ciidamada amaanka oo ay horkacayaan masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo  ...
mud.. Dhagayso+Sawiro:- Banaanbax looga soo horjeedo M/Wayne Ismaaciil Cumar Gelle oo Maanta ka dhacay Jabuti
- May 24, 2013
Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo Madaxwaynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa maanta ka ...
amiin22 DHAGEYSO:Gabayga Mise Guurowga Ugu Hadalhaynta Badan Saaxada Saxaafada Soomaalidda Todobaadkaan.
- May 24, 2013
Farshaxaniistaha Caanka ah ee Amin Caamir oo loo yaqaan (Amin Arts) ayaa ka sameeyay ...
DSC06955 Dhagayso:- Wasiirka arimaha Dibedda Somaliya oo sheegtay Shirwayne looga hadlayo Jubboyinka Muqdisho in lagu qaban doono
- May 24, 2013
Wasiirada arimaha dibadda wadamada ku Bahoobay Urur goboleedka IGAD oo maanta kulan ku yeeshay ...