Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo dhigiisa Turkiga Heshiis la saxiixday
Wasiirada Gaashaandhigga ee dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxa ay ku saxiixdeen gudaha magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga heshiis lasheegay in uu yahay kii ugu wanaagsanaa ee taariikhda ay kala saxiixdaan laba wasiir oo kasocota dalalkaan.
Cabdi Xakiim Xaaji Aadan (Fiqi) oo kamid ah wafdi wehlinaya madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Turkiga ayaa waxa uu heshiiskaan dhigiisa dalka Turkiga, Ismet Yilmaz, kula hor saxiixday madaxada dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.
Heshiiskaasi ayaa waxa uu dhigayaa in labada dowladood ay iska kaashadan dhanka meleteriga iyo Amniga, si xaalada dalka Soomaaliya dib ugu sookabato.
Dowlada Soomaaliya ayaa waayihii danbe wax ay waday dadaallo badan oo ay ku baadi goobeyso in wasaarada Gaashaan dhiga Soomaaliya ay u noqon laheyd mid cagaheeda isku taagto.
Horay ayaa Fiqi waxa uu sidaan oo kale heshiisyoi ula saxiixday wasaarahraha difaaca ee dalalka Ethiopia iyo Djibouti, waxaana arintaani ay imaaneysaa xilli dhibaata xooggan ay ka heysato dhanka gaashaandhiga, iyada oo laxasuusanyahay xarunta wasaradaasi ay xilligaan saldhig ciidan u tahay AMISOM.








