Golaha Wasiiradda Oo Soo Saaray Go’aan Lagu Mamnuucayo Ka Ganacsiga Qalabka Ciidamadda

 

 

Muqdisho (Saadaal Media) Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo adkaynta Amniga.

Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyey booqashadii uu shalay ku tagay cirifyada magaalada Muqdisho isagoona u kuur galayey xaalada Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa dadaalkii looga sifeeyey Isbaarooyinka goobo badan oo ku yaala Caasimadda.

Sidoo kale golaha ayaa ka dooday sidii loo howl galin lahaa Maxjarka Xoolaha ee ku yaala degaanka Al-jaziiro halkaas oo ganacsato Soomaaliyeed ugu diyaarsheen Xoolaha Dalka laga dhoofinayo dhamaan agabyadii ay u baahnaayeen sida Naaxinta, Baarista Caafimaadkooda, iyo Cawskii lagu calfin lahaa mudadda ay safarka sii yihiin. Maxjarkan ayaa ah kan kaliya ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaana ay bilaamaysaa xoolo dhoofintu 31 bishaan.

  • Goluhu waxay isku raaceen in la sameeyo gudi ka kooban shan Wasiir oo kala shaqeeya gacanstada dhoofinaysa Xoolaaha sidii ay ugu fududaan lahayd howlahooda shaqo. Waxaana gudigaas ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Khayraadka Dalka Mudane Cabdirisaq Cumar Maxamed oo ah Gudoomiyaha Gudiga.
  • Sidoo kale Golaha ayaa isku raacay in laga bilaabo maanta aan laga ganacsan karin qalabka ciidamadda sida, Hubka noocyadiisa kala duwan, Rasaasta, Tuutaha, Booshashka iyo dhamaan qalabka ay isticmaalaan Ciidamadu.

Ugu danbayntii Golaha ayaa Amaan u soo jeediyey shacabka sida ay ugu heeln yihiin is bar-bar taaga dowladooda iyagoona ku tilmaamay in wada shaqayn dhex marta shacabka iyo dowlada ay tahay tan kaliya oo lagu sugi karo amniga.

Saadaal Media

Xafiiska Wararka Muqdisho

Tags: 


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

alshabaab-training-somalia Dhagayso:- Al-shabaab “Barnaamijka Kismaayo ka socda Maahan mid uu ku qanacsanyahay Xasan Murtad”
- May 19, 2013
Cabdi Raxmaan Xudeyfa oo sheegta inuu yahay Guddoomiyaha Kooxda Al-shabaab ee gobolada Jubbooyinka oo ...
dadka-la-xukumey1-450x342 Dhagayso+Sawiro:- Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Booosaaso oo maanta Xukuno Ku Riday Dad u Badnaa Ajaanib
- May 19, 2013
Maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa xukumo kala duwan ku ridey 92 qof ...
Maxamed_Xaashi_Carabey-620x330 Dhagayso:- Madaxwaynaha Maamulka SCS oo Muqdisho soo gaaray
- May 19, 2013
Madaxwaynaha Maamul goboleedka Bartamaha Soomaaliya Mudane Maxamed Xaashi Carabey ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ...
1_52 Dhagayso+Sawiro:Gudiga Doorashooyinka Puntland oo Wakhti Kordhin sameyeey Mar Kale
- May 19, 2013
Waxaa Galabta shir Jaraa"ad ku Qabtay Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland Gudoomiyaha Gudiga ...
qaad1 Dhagayso+Sawiro:- Wasaarada Haweenka Puntland oo Garowe Kulan Kula Qaadatay Haweenka Qaadka Ibiya
- May 19, 2013
Waxa maanta Si Toos ah Uguso Gaba gaboobay Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland ...
bashiir_goobe_525380314 Dhagayso:- Hay’adda Nabad sugida Qaranka oo Beenisay inay is hortaag ku samaysay Xildhibaanadii Mooshinka Saacid ka waday
- May 19, 2013
Kadib Shir Jaraa'id oo maanta uu ku qabtay Xafiiskiisa Muqdisho Agaasimaha guud ee Hay'adda ...
DSC09897 Dhagayso+Sawiro:- Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacadda Carabta oo Maanta Kadhfooy Muqdisho
- May 19, 2013
Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacadda Carabta oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay ...
images (1) Dhagayso:- Madaxwaynihi hore ee Somaliya C/qaasim Salaad Xasan oo ka Jawaabay eedaymo loo jeediyay
- May 19, 2013
Magaalada Muqdisho dhawaan Waxaa ka dhacay Kulan ay isugu Yimaadeen dhamaan Beelaha Ku Badan ...