Daawo Sawirada: Jaaliyada kasoo jeeda Deegaanadda Jubooyinka iyo Gedo oo kulan ku yeeshay Uganda iyo gabay duco ah oo loogu tirayay goobta Farmaajo

Waxaa magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda gaar ahaana Hotelka G-One kusoo dhamaaday shir balaaran oo mudo dhowr cisho ah magaalada Kampala uga soconayey qaybaha kaladuwan ee jaaliyada Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolada mataanaha ah ee Jubooyinka Iyo Gedo kaasoo ay jaaliyadu kaga hadlayeen aayaha deegaanadaas iyo sidii waxbadan looga qaban lahaa deegaanadaas.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen qaybaha kaladuwan ee bulshada deegaankaas Waxaa soo abaabulay odayaal dhaqameedyada Jubooyinka Iyo Gedo kasoo jeeda ee ku dhaqan dalka Uganda, waxaana ka qaybgalay dhalinyarada, arda, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, odayaal dhaqameedyada, gabdhaha iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolada Jubooyinka ee ku dhaqan dalka Uganda kuwaasoo mudadii uu shirkaasi u socday ka hadlayey arimaha deegaanadaas iyo maamul u samayntiisa iyadoona gabagabadiisa laga soo saaray Warsaxaafadeed nuxurkiisu uu muujinayey sida dadka deegaankaasu ay u taageersanyahay maamul u samaynta deegaanada Jubooyinka Iyo Gedo oo imika dadka deegaanku ay ku mashquulsanyihiin dhamaystirkiisa.

Caaqil Faarax Dhagacade oo kamid ahaa qabanqaabiyeyaashii shirkan oo xafladii gabagabada shirkaas ka hadlayey ayaa ugu horayn u mahadceliyey ka qaybgalayaashii shirka muhiimka ah ee quseeyey arimaha Jubooyinka waxaana Caaqilku sheegey in dadka deegaankaasu uu mudo ku sugnaa xaalad bini aadantinimo oo dhib badan isagoona u mahadceliyey ciidamada Kenya iyo Raaskambooniyiinta oo uu sheegey in ay qabteen shaqo adag oo dib u xoraynta deegaanadaas ahayd waxaana uu caaqilku sheegey in dadka deegaanadaas kasoo jeeda ee ku dhaqan dalka Uganda ay soo dhawaynayaan howlaha maamul u samaynta deegaanadaas oo ay imika ku mashquulsanyihiin dadka deegaankaas oo gacan ka helaya dawladaha deriska ah nidaamkaas oo uu ku baaqay in la waafajiyo nidaamka Federaalka ah ee ay ku dhisantahay dawlada dhexe ee Soomaaliya, Mr, Dhagacade ayaa sheegey in loo baahanyahay in la mideeyo awooda dadka deegaanka si buu yiri looga fogaado isku dhac dadka dhexdiisa laga dhex rido.
Maxamuud Jaamac Cabdille oo kamid ah ganacsada kasoo jeeda goboladaas eek u dhaqan magaalada Kampala ayaa dhankiisa amaanay howlaha maamul u samaynta deegaanadaas oo ay fududaynayaan dawladaha deriska ah, dhanka kale wuxuu arin lagu qoslo ku tilmaamay hadaladii la yaabka lahaa ee kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya kaasoo sheegey in dadka deegaanada Baay iyo Hiiraan ay maamulo u gaar ah oo dawlada dhexe hoosyimaada ay samaynsan karaan isagoona dhanka kale sheegey in dawladu ay maamul u samaynta gobolada Iyo Jubooyinka ay iyadu qabanayso taasoo uu ku tilmaamay wax aanan macquul ahayn, Maxamuud Jaamac Cabdille wuxuu sheegey in dadka Jubooyinka iyo gedo ay xaq u leeyihiin inay samaystaan maamul u gaar ah oo hoosyimaada dawlada dhexe ee Soomaaliya, Ganacsadaha ayaa soo dhaweeyey hadalkii kasoo yaaray Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid kaasoo sheegey in ay dawladiisu taageerayso in dadka deegaanada Jubooyinka iyo Gedo ay samaystaan maamul goboleed u gaar ah.

Maxamed Xassan Handal (Xaaji) oo kamid ah dhalinyarada kasoo jeeda gobolada Jubooyinka iyo Gedo ee wax ka barata dalka Uganda oo kamid ahaa dadkii hadalada qiimaha badan kasoo jeediyey gabagabada shirka arimaha Jubooyinka iyo Gedo looga hadlayey ayaa canbaareeyey faragelinta ay dadka aanan u dhalan jubooyinku ku hayaan deegaanadaas isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay dawlada Jabuuti oo uu sheegey in ay wado nidaam Isir raac ah oo ay ku kala qaybinayso dadka Soomaaliyeed, Xaaji wuxuu dawlada Jabuuti xasuusiyey dadaalkii dheeraa ee dadka Soomaaliyeed ay dadka Jubuuti u galeen in ay xuriyadooda helaan isagoona ugu baaqay in aysan dadaalkaas ka dhigan hal bacaad lagu lisay, si gaar ah Wuxuu Xaaji Maxamed Xassan Handal ula hadlay madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu sheegey in loo baahanyahay in uu faragelinta iyo kala qaybinta kala dhexbaxo shacabka Soomaaliyeed wuxuuna sheegey in la joogo waqtigii ay dadka Soomaaliyeed Midoobi lahaayeen lagana bixi lahaa arimaha qabyaaladaynta isagoona nasiib daro ku tilmaamay waxyaabaha ay wado dawlada Jabuuti oo uu sheegey inay yihiin kuwo mijo xaabin ah.

Qaarkamid ah hooyooyinka iyo gabadhaha reer kampala ee kasoo jeeda deegaanada Jubooyinka iyo Gedo oo iyana hadlay ayaa muujiyey inay taageersanyihiin isbedelka amaan iyo kan siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ka dhacay mudooyinkii u danbeeyey waxaana ay soo dhaweeyeen madaxda cusub ee qaranka iyagoona sheegey in loo baahanyahay in la ilaaliyo nidaamka lagu doortay madaxda dawlada ee ah federaaliga kaasoo dadyowga deegaanada u ogaalnaya inay samaysan karaan maamulo u gaar ah korkana ay ka maamusho dawlada dhexe ee Soomaaliya.

Abwaan Cabdi Cali Qowle oo kamid ah Abwaanada Soomaaliyeed ayaa intii ay xaflada gabagabadaynta shirku ay socotay halkaas kasoo jeediyey Gabayo iyo murti kasoo maaxatay maskaxdiisa oo uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya gaar ahaana tan Jubooyinka isagoo gabayada qaarkood ilaahay uga baryayey inuu ka dulqaado dadka kasoo jeeda Jubooyinka Iyo Gedo dhibaatooyinka ay ku hayan ururka Alshabaab iyadoona gabayadaas midkamid ah uu ugu magacdaray “Ilaahayoow Waxba nooma aysan reebin” taasoo uu ku sheegayo in aysan ururka alshabaab waxba u reebin dadka deegaanadaas, Murtida uu sameeyey abwaan Cabdi Cali Qowle sidoo kale Waxaa ay quseeyeen kuwo uu kula hadlayo madaxda dawlada ee imika jidha, kuwo duco ah, mid uu u tiriyey Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), kuwo uu ku dhaliilayo waxqabad-xumida Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya oo markasta kumana sheegata inay bulshada Soomaaliyeed wax u qabteen iyo suugaan kale oo intii ay socotay soo jiidatay qalbiyada iyo niyada dadkii ka qaybgalay xafladaas kuwaasoo aad ugu riyaaqay murtida abwaanka, waxaana uu gabagabadii xaflada abwaanku uu dadkii halkaas joogay uga qaaday heesta astaanta qaranka Soomaaliyeed oo qaar kamid ah ka qaybgalayaashii xafladu ay la ilmeeyeen wanaaga iyo hilowga ay u qabaan dalkoodii iyo dadkoodii oo ay mudo badan qaarkood mooganyihiin.

Jaaliyada Jubooyinka iyo Gedo ee Uganda ayaa shirkooda kasoo saaray warmurtiyeed ka koobnaa ku dhawaad toban qodob kuwaasoo ay ugu muhiimsanaayeen taageerada ay u hayaan isbedelka siyaadeed iyo amaan ee dalka ka dhacay ayna soo dhawaynayaan madaxda cusub ee qaranka, kadigis ay ka digayeen in la iska horkeeno dadka deegaanada jubooyinka iyo gedo oo ay sheegeen in dad dano siyaasadeed iyo mid qabaa’il isir raac ah lehe ay ka danbeeyaan, baaq ay u dirayeen aqoonyahanka iyo indheergaradka deegaanadaas kasoo jeeda, taageerada ay u hayaan maamul u samaynta ay Igad taageerayso ee dadka deegaanka siyaasiyiintoodu ay kawadaan magaalada Kismaayo, baaq ay u dirayeen shacabka Soomaaliyeed oo ay uga digayeen in lakala xigsado ciidamada Amisom ee xoreeyey Muqdisho iyo kuwo xoreeyey Kismaayo, baaq ay u dirayeen dadka kasoo jeeda Jubooyinka iyo Gedo ee ka biyo diidsan maamul u samaynta ay Igad taageerayso oo ay ugu baaqayeen inay ku biiraan arimahaas iyo qodobo kale oo muhiim ahaa kuwaasoo quseeyey arimaha deegaanadaas, waxayna gabagabadii ku baaq u direen beelaha ku dagaalamaya bartamaha Soomaaliya oo ay ugu baaqeen inay si degdeg ah u joojiyaan colaada ayna aqoonsadaan garwaaqsadaana in laga baxay xiligii xabad wax ku xalinta loona gudbay waqti nabadeed iyo wax wada qabsi.



Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

soofe21 Cadaalad Darrada Muqdisho Garsoorkeeda Hareeyay Iyo Aamusnaanta Madaxda Garsoorka DF*Warbxin+Caddayn*
- Jun 20, 2013
Dhowr iyo labaatameeyo sano ayaan ku jiray dhibaato ilaah mahadiis Dowlad dhexe ayaa noo ...
xildhibaano4 Dhageyso:- Xildhibaano maanta tababar loogu furay Muqdisho // Maxaa labarayaa?
- Jun 20, 2013
Aqoon isweydaarsigaan oo loo qabtay xubno ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya gaar ah xubnaha ...
rr Dhageyso:-Jaceylka Soomaalida ay u qabaan Turkiga oo maanta Muqdisho lagu muujiyay
- Jun 20, 2013
Banaanbax balaaran oo lagu taageerayay Raysal wasaaraha wadanka Turkiga Rajab Dayib Ordagan sidoo kalana ...
deg2-150x150 War Deg Deg ah Dhaawacyo la keeni lahaa Gaalkcyo oo maanta Baaqday
- Jun 20, 2013
Waxaa maanta la filayeey in magaalada gaalkcyo ee Xarunta gobalka Mudug la keeno Dhaawacyo ...
download (2) Dhagayso:-Nabadoon Dhangad”Xasan Sheekhow Caasimadii Xamar ayaba la weraray maxaa ka galay Jubbaland
- Jun 20, 2013
Nabadoon Daahir Aadan dhangad oo kamid ah Nabadoonada gobalka Mudug oo maanta naguso Booqday ...
download Dhagayso:-Waxgaradka Magaalada Dhahar oo so Dhaweyeey Baaqa isimada Puntland
- Jun 20, 2013
Kulan ay ku yeesheen magaalada Dhahar ee Xarunta gobalka Hayland waxgaradka iyo nabadoona gobalkaas ...
download (1) Dhagayso:-Caaqil lagu Xiray Magaaladda Laascanood
- Jun 20, 2013
  Wararka ka imaanaya magaaladda Laascanood ee gobalka sool ayaa sheegaya in Magaaladdas lagu xiray ...
Qaraxa (31) Dhageyso Waraysi:-Xildhibaan Mahad Salaad “Hay’adaha amaanka ayaa ka gaabiyay Shaqadooda”
- Jun 20, 2013
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo waraysi siiyay Sadaalmedia ayaa ...