Dhagayso: Beesha Murarsade oo Maanta kulan ku yeelatay Degmada Ceel-buur Bayaana soo saartay
Kulan ay maanta ku yeesheen Degmada Ceel-buur ee gobola Galgaduud wax garad iyo Culima’udiin kasoo jeeda deegaanadaasi ayay oga hadleen dagaalo dhawaanahaan ka soconayay gobolkaasi, oo u dhexeeyay labo malayshiyo beeleed oo deegano hoos taga gobolka Isku farasaaray khasaare xoogana soo kala gaaray.
Waxgaradka Murusade waxay codsi walaalnimo ujeediyeen beelaha xiligan oo dalka Somaaliya marxalad adag marayo dhaxdooda isdilaya.
“Beesha Murusade waxay soo saartay baaq ay ku codsanayso in dirirta joojiyaan walaalaheen Maxamuud Hiraab iyo reer Xaaji Saleebaan”ayuu yiri Cismaan Daahir Siyaad oo Cismaan Jiis ku magac dheer.
Beesha Murusade waxay niyad wanaag ka muujisay in xal waara laga gaaro dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanno hoos yimaad degmada Xiindheere.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.







