Dhagayso: Maamulka DFS ee degmada Kaxda oo ka hadlay Dil degmadaasi ka dhacay
Kadib dil xalay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay ka geesteen Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir ayaa maanta Degmadaasi waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay wada qaateen maamulka Degmada Kaxda iyo shacabka Degmadaasi.
Wuxuu sheegay in kulanka uu ka dambeeyay kadib markii xalay Degmadaasi ay ka dhacday arin shaqaaqo ah oo rag ka tirsan ciidanka Dowladda ay shacab ku dileen Degmadaasi sidoo kalena dhac ay ka geesteen.
Shacabka Degmada Kaxda iyo maamulka Degmada ayuu sheegay inay leeyihiin kulan ballaaran oo ku saabsan ammaanka Degmadaasi iyo sidii looga hortagi lahaa falalka shacabka lagu dhibaateynayo.
Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyay howlgal uu sheegay inuu Degmada ka socda isaga oo sheegay in ciidamada Dowladda ay wadaan howlgalka islamarkaana ay ku baadi goobayaan cidii ka dambeysay arinta xalay ka dhacday Degmada.
Wuxuu sheegay in howlgalka iminka uu socda dibna uu kasoo faahfaahin doono cida ay kusoo qabtaan iyo natiijada uu kusoo dhamaado.
Xalay ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay Degmadaasi ku dileen qof dumar ah xilli ay doonayeen inay dhac ugeestaan kadibna ay isku adkeysay agabki ay doonayeen inay ka qaataan.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.








