Dhagayso: Maamulka Jubbaland oo ka hadlay Shirarkii Maalmihii ugu danbeeyay ka socday Muqdisho iyo arimo kale oo ku saabsan Mamul u samanta Gedo iyo Jubooyinka
Iyadoo uu dhawaanahaan ka soconayay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Shirar balaaran oo looga arin sanayo, sidii maamul loo dhanyahay loogu samayn laha Magaalada Kismaayo iyo guud ahaan deeganada Jubooyinka iyo Gedo, ayaa waxaa arintaai ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Aw-qafta Mamulka Jubbaland State Daahir Maxamuud Barre.
Waraysi gaar ah oo dhinacyo badan taabanaya oo galabta siiyay Warbaahinta Saadaal Media Xafiiskeeda Magaalada Muqdisho ayuu oga hadlay arimo badan oo ku saabsan Jubooyinka iyo Maamul u samayntooda.
Wuxuu sheegay Mr Daahir shirka wajigiisa koowaad in looga hadlayay sidii loo heshiisiin lahaa beelaha daga gobolada Jubooyinka iyo Gedo, wuxuna xusay arintaasi in lagu guulaystay isla markaasina gacmaha la isku saaray dhamaanba ergooyinkii ka socday Beelaha.
Daahir ayaa sheegay sidoo kale shirka in looga hadlayay sidii Maamul loo dhanyahay loogu samayn lahaa Jubooyinka iyo Gedo, kaasoo ay u dhanyihiin dhamaanba beelaha daga deegaanadaasi isla markaasina ay hormuud u tahay dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay Wafdi balaaran dhawan in ay u diri doonto Magaalada Kismaayo si losoo indha indheeyo qaabka ugu habon ee xiligani maamulka loo samaynayo loo wajihi karo.
Sidoo kale mar aan wax ka waydiinay Xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo Maamulka iminka ka arimiya Magaalada Kismaayo iyo IGAD ayuu sheegay wax xiriir ah in uusan ka dhaxayn isla markaasina wuxuu ugu baaqay IGAD faraha in ay kala baxdo howlaha Jubooyinka.
Hoos ka dhagayso Waraysiga oo dheer oo dhinacyo badan Taabanaya.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.









DAAHIROOW MAXAAAD AHEED BAL IS SHEEG ADIGA KADIB KAHADAL AMAMULKA JUBLLND