Dhagayso:Abwaan Axmed Haybe Caraale oo Muqdisho lagu aasay
Allaha u naxariistee Waxa maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Abwaan Axmed Haybe Caraale oo kamid ahaa Abwanada Soomaaliyeed oo xalay ku geeriyooday Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.
Aaska Abwaanka ayaa waxaa ka qayb galay Fanaaniin iyo sidoo kale Abwaano ay kamid ahaayeen Mareeyaha Tiyaatarka Abwaan Cabdi Dhuux.
Kadib aaska ayaa waxaa saxaafada la hadlay qaar kamid ah abwaanadii ay isla soo shaqeeyeen, waxaana ay ka sheekeeyeen Taariikh Abwaanka iyo sidoo kale Kooxdii uu ka tirsanaa.
Marxuumka ayaa wuxuu ifka kaga tagay todobo caruur ah oo isugu jira hablo iyo wiilal oo dhamaantood kuwada sugan Magaalada Muqdisho.
Fanaanka Allaha unaxariistee Axmed Haybe Caraale ayaa wuxuu kamid ahaa fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho tani markii Somalia ay ka socdeen Dagaaladda waxaana la rumeysan yahay inuusan meel kaga bixin Magaaladda.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.








