Madaxwayne Xassan Sheekh iyo Madaxwaynaha Turkiga oo shir Jaraa’id ku qabtay Ankara

Madaxweynaha dalka Turkiga Abdullah Gul ayaa sheegay in dowladda iyo hay’adaha Turkiga ay sii kordhin doonaan Barnaamijyada horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimo ee ay ka fulinayaan Soomaaliya.

Abdullah Gul ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay ku kulmay magaalada Ankara ee Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga ayaa saxaafadda u sheegay in kulankii uu la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhammaaday mid wax ku ool ah oo ay ka soo baxeen waxyaabo muhiim ah oo la taaban karo.

Madaxweynaha Soomaaliya Prof.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kulanka looga arinsanaye xoojinta iskaashiga ammaanka ee labada dal iyo sidii dowladda Turkiga ay kor ugu qaadi lahayd mashaariicda horumarineed ee ay ka geysaneyso Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maanta la kulmo Raysul wasaaraha Turkiga Recep Tayip Erdogan iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Turkiga wuxuu ka mid yahay dalal dhowr ah oo Soomaaliya u soo gurmaday xilligii abaartii sanadkii hore, iyadoo Raysul wasaare Recep Dayib Erdogan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ay dabayaaqadii sannadkii hore booqdeen magaalada Muqdisho.

 


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Xoosh Dhagayso:- Xildhibaan C/rixmaan Xoosh Jabriil oo Saadaal Media oga Warbixiyay Waxyaabihii Kismaayo oga qabsoomay
- May 20, 2013
Wasiirkii hore ee Dastuurka Dowladdii KMG ahayd Xildhibaan C.rixmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah ...
Kismaayo-32 Dhagayso:- Maxamed Xaashi oo ku baaqay dowladda in looga danbeeyo arinta kismaayo
- May 20, 2013
Madaxwaynaha Maamulka Somali Central State Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) oo Waraysi siinayay Warbaahinta Saadaal ...
44 Dhagayso:- Baarlamanka Soomaaliya oo Kulan Maanta ku yeeshay Muqdisho
- May 20, 2013
Fadhigii Baarlamanka ee maanta oo lagu ansixiyay talo soo jeedinta gudiga Maaliyadda Baarlamanka. Kulanka baarlamaanka ...
SAM_7791 Prof. Cabdulaahi Xersi Diirshe (Daacad) oo ku soo Biirey Musharaxiinta u Taagan Xilka Madaxweynimada…..
- May 20, 2013
Nidaamka Hadda Jira waxaa ku baxay Naf.Maal iyo Maskax Shacabka waxaan leeyahay in ay ...
IMG_0375 Dhagayso+Sawiro:- Madaxwayne Faroole oo Maanta Xariga ka Jaray..
- May 20, 2013
Madaxwaynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntaland C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta xariga ...
Muqdisho Dhagayso:- Muqdisho oo looga dhawaaqay Naadi la magacbaxay Badbaadin Suxufiyiinta Somaliyed.
- May 20, 2013
Kulan ay maanta ku yeesheen Xarunta maamulka gobolka Banaadir Qaar kamid ah Suxufiyiinta ka ...
maamulka-Banaadir Dhagayso:- Maamulka gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Hay’addo ka socday Qaramada Midoobay.
- May 20, 2013
kulan ay Maanta la qaateen Mamulka gobolka Banaadir Hay'addaha Qaramada Midoobay kuwa dowliga ah ...
barre_hiiraale Dhagayso:-Afhayeenka Coll. Barre Hiiraale oo Faah faahin ka bixiyay Kulankii uu la qatay IGAD.
- May 20, 2013
Barre Hiiraale oo kamid ah raga sheegtay madaxwaynaha Maamulka Jubbaland State ayaa kulan la ...