Qabiilada iyo magacyda maxaabiis siyaabo kala duwan looga dejiyey maamulada Somaliland iyo Puntland

Waxaa shalay iyo doraad siyaabo kala duwan looga dejiyey magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso maxaabiis burcad badeed ah, kuwaas oo ku xirnaa dalal ka duwan oo caalamka ah, iyadoo maxaabiista loo soo wareejiyey sida la sheegay xabsiyo cusub oo loogu talogalay in lagu hayo kooxaha burcad badeeda oo laga hirgeliyey deegaanada Somaliland iyo Puntland.

Sida warku sheegayo waxaa shalay markii ugu horeysay lagu wareejiyay maamulka Puntland 5 ka mid ah 40-dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo xabsiyo ku yaala caalamka ugu xirnaa dembiyo la xiriira burcad badeednimo, kuwaas qurshuhu yahay in Puntland lagu wareejiyo si ay halkaasi ugu dhameystaan xabsiyada lagu xukumay oo u dhexeeya 10 illa 24-sano.

Kooxahan maxaabiista ee Soomaalida ah oo laga soo qaaday Jasiiradda Seychelles ayaa shalay lagu wareejiyey maamulka Puntland, waxaana inta ka dhiman xabsiyada horey loogu xukumay ay ku dhameysandoonaan xabsiyo ku yaala Puntland, iyadoo sidoo kale ay jiraan in 12-kale oo lagu wareejiyey iyana maamulka Somaliland, waxaana la sheegay in maxaabiistan dib loo soo celiyey ka dib markii ay dalbadeen in lagu soo celiyo Soomaaliya.

Xubna shalay lagu wareejiyey maamulka Puntland ayaa magacyadoodu iyo dhalashadoodu waxaa lagu kala sheegay sida tan:- C/laahi Maxamed Xuseen {Darood/Majeerteen}, Salaad Maxamed Diiriye {Hawiye/Habargidir}, Ina Mire Muuse {Daarood/Majerteen/Ciise Maxamuud}, Cabdi Axmed Faarax {Daarood/Mareexaan} iyo C/qaadir Xaashi Cawaale {Hawiye/Habargidir}.

Sidoo kale Maamulka Somaliland ayaa lagu wareejiyay maxaabiis Soomaali ah oo burcad badeenimo ku eedeysan kuwaas oo ay dowladda Jasiirada Seychelles ku xukuntay dalkeeda ka dibna ay ku soowareejisay maamulka Somaliland si ay sanadaha u harsan ugu dhameystaan xabsiyo ku yaalla Somaliland.

Qaramada Midoobay ayaa heshiis kula gashay maamulada Somaliland iyo Puntland inay deegaanada ka dhisaan xabsiyo waa-weynoo lagu hayo kooxaha burcad badeeda soomaalida ee xabsiyada kala duwan adduunka kaga jira kuwaas oo loo qoondeeyay in xabsiyada lagu kala xukumo ay ku dhameystaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan mamulada Somaliland iyo Puntland oo loo arkay inay ka xasiloonyihiin Soomaaliya inteeda kale.


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Ero Hassan Ali says:

    Nacala Ku Yaal Wixii Dibin’daabyo u gaysta Umada somaliyeed teeda kale Burcad badeed waxan kula U Sheegaya inay ku quus qaatan sida foosha xun oo xabsiyada aduunka loogu wareejinayo asxaabtooda Waxana kula Talin Laha inay ka waan tooban waxyaalaha khal’khalka gelinaya amniga iyo sharafta wadankooda.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

images Qof Rayid ah oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Gaalkcyo
- May 24, 2013
Waxaa Xalay Fiidkii Ladilay Qof Rayid ah oo kasoo Jeeda Dhinaca Maamulka Puntland Kaas ...
images (1) Dhagayso Madaxweynaha Galmudug oo ka Hadlay Amaanka Degaanada Galmudug
- May 24, 2013
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa ka hadlay Amaanka Magaalada Gaalkcyo iyo ...
diyaaradoAMISOM Dhagayso:- Guddoomiyaha Taabta oo Saadaal Media oga Waramay Ciidamo ka socda Sierra Leone oo Fariisimo ka samaystay deegaankaasi.
- May 24, 2013
Waxaa shalay gaaray deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose Ciidamo ka socda dowlada Sierra ...
kis (2) Dhagayso:- Beesha Sheekhaal oo Madaxwaynihii 6aad oga dhawaaqay Kismaayo.
- May 24, 2013
Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay Magaalada Kismaayo looga dhawaaqayay Madaxwaynayaal farabadan oo mid walba sheeganayo ...
images Dhagayso:- Kulan looga hadlayay Amaanka gobolka Waqooyi bari oo Gaarisa ka dhacay
- May 24, 2013
Shir looga hadlayay wax ka qabashada amaanka Magaalada Gaarisa ee Gobolka woqooyi-bari Kenya ayaa ...
Barre hiiraale (4) Dhagayso:- Labo kamid ah M/waynayaasha Kismaayo oo kulan la qaatay Coll Barre Hiiraale.
- May 24, 2013
Sida uu Saadaal Media u sheegay Cumar Burale Axmed oo isagu sheegta inuu yahay ...
Tiiceeey-1 Dhagayso:- Gollaha Guurtida M/mulka Ximin iyo Xeeb oo eedayn u jeediyay M/Wayne Tiiceey.
- May 24, 2013
Qaar kamid ah Salaadiinta Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa dhaliil u jeediyay Madaxwaynaha Maamulka ...
Fartaag Dhagayso:- M/wayne ku Xigeenka Jubbaland Gen Fartaag oo Xasan Sheekh ugu Baaqay inuu ka fiirsado Hadalada uu sheegayo.
- May 24, 2013
Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Jubbaland State General C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo Warbaahinta la ...