Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Kulan La Qaatay Dad Ku Qaxweynayey Makhaayad Ku Taala Villa Soomaaliya (War-saxaafadeed)

Muqdisho (Saadaal Media) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane  Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka kulan balaaran la qaatay dadweyne faro badan oo ku qaxweynayey maqaaxi ku taala gudaha Villa Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u salaamay dadkii ku qaxweynayey makhaayadda isagoo kulan is xog waraysi ah la qaatay shacabkii meesha joogay una oggolaaday in ay iska waraystaan xaalka dalku marayo, iyadoo qof kastana uu Ra’iisul Wasaaraha weydiinayey su’aalo uu ula ciil qabay inuu mar uun weyddiiyo madaxda dalka.

Su’aalaha ugu badan oo Ra’iisal Wasaaraha la weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa: Arrimaha amniga, Isbaaroyinka la qaaday iyo sidii dalka oo dhan loo gaarsiin lahaa maamulka Dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si hufnaani ku jirto uga jawaabay su’aalahaas, waxana uu ku booriyey dadweynaha in ay kalsooni buuxda u muujiyaan dawladda si dalka looga saaro xaaladda uu ku jiro. Waxana uu R/Wasaaruhu yiri:

“ Waxaa markasta dhibka lala maagan yahay maahan dawladda oo keliya ee waxa dhibka ugu badani uu soo gaaraa waa dadka rayidka ah. Sidaa daraadeed, waxa loo baahan yahay in shacabku gacan buuxda siiyaan dawladdooda, si looga adkaado colaad-oogayaasha, xagjirka iyo danbiilayaasha ku dhex dhuunta shacabka marka ay gaystaan faldanbiyeed.

Ra’iisal Wasaare Saacid waxa uu ku daray intaas in Dawladdu ay ballan qaadayso in ay difaacdo shacabkeeda. Waad u jeeddaan sida ay shacabku u soo dhaweeyeen uguna diirsadeen qaadista isbaarooyinka iyo faa’iidada ay keentay tallaabadaasi ee ah in gadiidkii dadweynuhu uu si fudud ugu   gaaro meeshuu u scoday”.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Saacid oo ay wehliyaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Abaanduulaha Ciidanka, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, iyo ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku Xigeen ayaa kormeer ku tagay labada wado ee laga soo galo magaalada Muqdisho oo dhawaan ciidanka qaranku ka qaadeen Isbaarooyinkii yaalay muddada ka badan 22 sano.

Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu socod ka soo bilaabay xeradii Maslax isagoona ku tagay Darmooley oo qiyaastii u jirta masaafo dhan 1km, wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka ee jooga goobahaas isagoona ku aamanay sida wanaagsan oo ay ugu heelan yihiin habeen iyo maalin difaaca dalkooda iyo dakooda.

 

—-DHAMAAD—-

 

Tags: 


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Kismaayo_iyo_Garoonka-620x330 Dhagayso:- Siyaasiga Maxamed Cumar Geddi oo ku baaqay in la iska celiyo Maamulka Axmed Madoobe
- May 26, 2013
Siyaasiga Maxamed Cumar Geddi oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore ee Baarlamaankii KMG ahaa isla ...
axmead-madowbe Dhagayso:- Taageerayasha Axmed Madoobe oo kulan ku yeeshay Muqdisho.
- May 26, 2013
Taageerasyaasha Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa kulan ay ...
Taliska Ciidamadda Xogga dalka by saadaal Dhagayso:- Saraakiisha ugu saraysa Ciidamadda XDS oo Maalintii labaad ku Xayiran Garoonka Kismaayo.
- May 26, 2013
Waxaa malintii labaad ku xayiran Garoonka Axmed Gurrey ee Magaalada Kismaayo Taliyaha Ciidamadda Xogga ...
Caabudwaaq (O Dhagayso:- Ciidamadda Amaanka Caabudwaaq oo gacanta ku dhigay rag dad kusoo laayay Kilil5aad
- May 26, 2013
Ciidamadda Amaanka degmada Caabudwaaq ayaa gacanta kusoo dhigay rag kasoo baxsaday Xuduuda Ismaamulka Somalida ...
Kismaayo-32 Dhagayso:- Kulan lagu Taageerayay Warmurtiyeedkii IGAD oo Kismaayo ka dhacay.
- May 26, 2013
Kulan ay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku yeesheen qaar kamid ah ...
OLYMPUS DIGITAL CAMERA Dhagayso:- C/naasir Seeraar oo Shir Jara’aid Kismaayo ku qabtay, si kululna u Weeraray Siyaasada Dowladda ee Jubboyinka.
- May 25, 2013
Maamulka Jubaland garabka Axmed Madoobe ayaa uga digay dowladda federaalka Soomaaliya in ay isku ...
OLYMPUS DIGITAL CAMERA Dhagayso+Sawiro:- Kulan Xasaasi ah oo Maanta ka dhacday Kismaayo, iyo Dowladda oo edayn loo jeediyay.
- May 25, 2013
Shir maanta ka dhacay xarunta Jaamacadda Kismaayo islamarkaasina ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah ...
DSC02544-125x90 Dhagayso Dabaal Dagyo kasocda Magaalada Adis Ababa kaas oo ku aadan 50 Sano guradii kasoo Wareegtay Aas asaskii Midowga Afrika
- May 25, 2013
Waxaa ku sugan Maagaalada Adiss Ababa Axmed Maxamed Cali Caano geel oo katirsan Codka ...