Dhagayso: Dagaal xalay ka dhacay gudaha Kismaayo.
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya dagaal qaraar oo u dhexeeya Cidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab in uu xalay ka dhacay Xaafadda Farjano oo kamid ah Xaafadaha ay ka koobantahay Degmada Kismaayo.
Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay xili ay howl galo lagu xaqiijinayo Amanka ka wadaan degmada Kismaayo in ay si kadis ah iska hor imaad ogala kulmeen Ciidmadda Al-shabaab, ayadoona ay jiraan Khasaare soo kala gaaray labada dhinac.
Wariyaheena Magaalada Kismaayo ayaa kuso waramaya dagaalkii xalay in uu ahaa mid culus isla markaasina uu jiro Khasaare soo kala gaaray labada dhinac, wallow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha inta uu la egyahay.
Dadka Xaafadda Farjano ayaa saakay aroortii hore ka qaaday Maydka askari ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo xiran dharka ay xirtaan Al-shabaab iyo sidoo kale calaamadaha kale ee caanka ku yihiin.
Ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaan wali wax war ah kasoo saarin dagaalka qaraar ee xalay ka dhacay gudaha Magaalada Kismaayo.
Hoos ka dhagayso Warkii uusoo diray Wariyahena Kismaayo
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.









war waxaad kahadleysaan waa maxay nimanyahw war shabaab goormaa laga tir tiray gobalka siiba caasimada Kismaayo ilma adeerayaalow bora bagaandada rakhiiska ah aan joojinno wadanku waq nabade
waxay ila tahay mafiicno in aan been isku sheegno maxaayeelay kenya waxay kusugan tahay oo keliya meelo kooban oo katirsan kismaanyo waxa habeen walbo sooweerarana waa ragii kabaxay kismaanyo ee sifiican ha layskaga cesho hadii kale dib ayay u qab sanaan oo waa xaqiiq adoomeey in ay wax tarayn waa og tihiin ee heshiiya oo dalkiina dhista