Dhagayso: Mamulka DFS ee gobolka Sh/ Hoose oo ka hadlay Amaanka gobolka
Maamulka Dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa ka hadlay howl galo balaaran oo maalmihii ugu danbeeyay ay ka wadeen degaano ka tirsan gobolka Shabellada Hoose.
Gudoomiyaha Dowladda ee gobolkaasi C/qaadir Nuur Siidii oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay howl galo balaaran in ay ka fuliyeen wadada isku xirta degmada Marka iyo Magaalada Muqdisho, taasoo maalmihii ugu danbeeyay ay ka dhacayeen falal lidi ku ah Amaanka.
Gudoomiyaha ayaa sheegay howl galada in ay ka fuliyen Shalanbood iyo deegaano kale, isla markaasina ay haatan wadada tahay mid nadiif ah waa sida uu hadalka u dhigee.
Hoos ka dhagayso Gudoomiyaha oo ka hadlaya Amaanka iyo sido kale deegaanada ay Al-shabaab kaga harsanyihiin gobolka oo uu sheegay dhawaan in la qaban doono.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.








