Dhagayso: Ahlusunna oo Digniin u jeedisay Shacabka Dhuusa-mareeb
Maamulka Ahlusunna Wal-jamaaca ee ka arimiya qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa degmada Dhuusa-mareeb ka mamnuucay hubka sida sharci darada ah dadka shacabka ah u wataan.
Madaxa Amniga degmada Dhuusa-mareeb Farxaan Macalin Cali Farabadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Maamulka Ahlusunna Wal-jamaaca ee degmada dhuusa-mareeb in ay mamnuuceen guud ahaan hubka sida sharci darada ah loogu wato gudaha degmada, wuxuuna sheegay cid aan Maamulka Ahlusunna iyo Ciidamadda Amaanka ahayn in aan lagu arki karin hub.
Farabadan ayaa shegay sidoo kale maalmihii ugu danbeeyay howl galo balaaran oo amaanka lagu xaqiijinayo in ay ka wadeen gudaha degmada iyo deegaanada u dhow dhow, isla markaasina ay inta badan xaqiijiyeen amaanka guud ee degmada.
Hadalkani kasoo yeeraya Maamulka Ahlusunna Wal-jamaaca ee ku aadan mamnuucista hubka lagu sito gudaha dhuusa-mareeb ayaa imaanaya xili deegaano hoos taga degmadaasi ay ka dhacaan inta badan dagaal beeleedyo.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.








