Dhagayso: Khudbadii Madaxwayne Xassan Sheekh Maanta kadib safarkiisii Turkiga
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho kadib safar qaatay 1 todobaad oo uu ugu maqnaa Wadanka Turkiga.
Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliyey xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda oo ay ka mid ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibada & Gaashaandhiga sidoo kale waxaa iyna ka mid ahaa weftigii la socday Madaxweynaha ee maanta dib ugu so laabtay Dalka Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda.
Mudadii uu joogay Madaxweynuhu wadanka Turkiga wuxuu la kulmay Madaxweynaha wadankaas Cabdala Gual & Raysal Wasaare Rajab Dayib Ordugan iyadoo ay wada saxiixdeen Heshiisyo dhowr ah Dowladda Somaliya & Dowladda Turkigu kuwaas oo ay ku jireen heshiisyo la xiriiray dhanka Gaashaandhiga..
Madaxwaynaya Sidoo ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dad kasoo baxay masjid la qarxiyo waxa uuna uga tacsiyeeyay Madaxweynaha iyo dadweynaha Kenya dhacdadaasi naxdinta leh ee ku dhacday.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in qarxyada iyo dilalka laga geysanayo gudaha Kenya ay keentay caawinta ay ciidamada Kenya caawinayaan bulshada Soomaaliyeed isagoo ku nuuxnuuxsaday in Dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyneyso Dowladda kenya xaqiijinta Amniga gudaha wadankeeda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si gaar ah uga baryay Ilaah inuu bogsiiyo xildhibaanka laga soo doorto xaafadda Kamakuunji Yuusuf xasan oo kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxa waxa uuna Madaxweynuhu ku sifeeyay inuu ahaa shaqsi si weyn uga shaqeynayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Soomaaliya iyo Kenya.
Booqashada uu Madaxweynuhu ku tegay Dalka Turkiga ayaa ahayd tii ugu horaysay ee uu ku tago wadankaas tan & markii Xafiiska loo doortay 10 Sep, 2012.
Hoos ka dhagayso Khudbadii Madaxwaynaha oo dhamaystiran
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.








