Dhagayso: Mamulka Gal-mudug oo ka hadlay edaymo ay uso jeedisay Puntland iyo sidoo kale dad u kala afduuban labada maamul dad kaso jeeda
Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gal-mudug ee Magaalada Gaalkacyo Aways Cali Siciid ayaa ka hadlay eedaymo ay Maamulka Puntland u jeediyeen Gal-mudug, iyo sidoo kale dad dhawaanahaan u kala afduubnaa labada Maamul ee gal-mudug iyo Puntland.
Ugu horayn ayuu sheegay gudoomiye ku xigeen maamulka Gal-mudug State Madaafiicdii lagu tuuray Xaafado kamid ah dhinaca Puntland in ay ahayd mid si khaldan dhankaasi u gaartay isla markaasina aan loo wadin.
Wuxuu sheegay Ciidamadda Amaanka Gal-mudug in ay weerar ku qaaden Fariisimo ay leeyihiin Malayshiyaad isbaaro dhigtay, waxaana uu xusay iska hor imaad inuu dhex maray Ciidamadda Amaanka Gal-mudug iyo kooxihii budhacada ahaa isla markaasina madaafiicdii iyo sidoo kale hubkii ay is waydaarsanayeen uu gaaray dhinaca Puntland.
Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gal-mudug ee degmada Gaalkacyo Mudane Aways ayaa sheegay in ay jiraan dad u xiray Maamulka Puntland oo kasoo jeeda deeganada Gal-mudug, sido kale wuxuu xusay in ay jiraan dad kale oo afduub u haystaan ehelada qaar kamid ah dadka ay haystaan Ciidamadda Amaanka maamulka Puntland.
Wuxuu sheegay maamulka Puntland inka ay haystaan ee ku eedeeyeen in uu yahay Al-shabaab in usan shaqo ku lahayn isla markaasina ay tahay gardaro waxa lagu haysto waa sida uu hadalka u dhigee, Mr Aways ayaa xusay in ay jiraan dhex dhexaadin laga wada labada dhinac sidii loo kala furdaamin lahaa howshaan.
Hadalka ka soo yeeray gudoomiye kuxigeenka Gobolka M.Galmudug ayaa Imaanaya kadib kolkoo ay si wada jira shir jaraa,id u qabteen Godoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka Puntland Max’ed Yusuf Tigey iyo Taliya kuxigeenka Ciidanka Buliiska Puntland Muxyadiin Axmed muuse oo ay kaga hadlen in ay Galmudug wado Gardaro cad isla Markaana ay madaafic ku garaacen Xaafado dad rayid ah Dagayihiin Puntlana aysan u dulqaadanayn .
Hadalada ay saxaafasa isku Marinayaan Masuuliyinta Labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland ayan Ahayn kuwa Farxad galin kara Dhagaca Shacabka inkastoo Maamulka Galmudug uu Si cad u Sheegay Sababta Keentay in rasaas gaarto Xaafado ka tirsan Waqooyiga Galkacyo.
Halkaan Guji oo Dhageyso Jawaabta Galmudug.
Saadaalnews@gmail.com









WAXAY ILA TAHAY WAXAA DERIS NOQDAY LABO MAAMUL OO LOOSAMEEYAY XIN IYO XAFIIL TAN IYO IN DADKA SHACABKA AH LAGU DHIBAATEEYO EE MEESHA KAMA JIRAAN MAAMULO CADAALAD AH WAXAAN DHIHILAHAA DADKA DEEGAANKOOW DANTIINA ILAASHADA OO SIDII AAD WAX KU XALISAN KAR TAAN KU XALISTA