Dhagayso: Puntland oo Galmudug ku eedaysay Madaafiic in ay ku garaacday Gaalkacyo
Taliye xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen, Muxiyadiin Axmed Muuse iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa booqday qadar daqiiqadaha kaddib markii ay guryo ku yaalla xaafada Israac ee magaalada Gaalkacyo ay ku soo dhaceen hub laga soo tuuray dhinaca Galmudug.
Gudoomiyaha iyo Taliyuhu waxay isku raaceen in falkaasi uu ahaa mid amaan darro oo laga soo maleegay dhinaca Galmudug isla markaana lagu bartilmaameedsaday xaafada ay degan yihiin dad shacab ah.
Mudane Tigey ayaa sheegay in madaafiic Galmudug laga soo tuuray maanta ay ku dhaceen xaafado shacab degan yahay oo dhinaca Puntland ah guryahaasi oo ku kala yaala xaafadaha Israac iyo Garsoor.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in marna shacabka madaafiic lagu tuuro marna dad shacab ah la afduubto aysan macquul noqon karin, isagoo sheegay in arimaha noocaasi oo kale ah marna aysan qaadan doonin.
Taliye xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen, Muxiyadiin Axmed Muuse oo isaguna ka hadlay arimaha amaanka gaar ahaan dhacdadii ugu dambeysay ee madaafiicda lagu garaacay xaafado ku yaalla dhinaca Puntland ayaa wuxuu sheegay in falkaasi uu cambaareynayo.
Gen, Muxiyadiin ayaa sheegay in madaafiicdii saaka lagu tuuray dad shacab ah oo ilmo yar yar oo quraacanaya ay ka mid ahaayeen, isagoona sheegay in aysan sacabada ka laaban doonin waxyaabaha amni darrada ah ee ka imanaya Galmudug.
Taliye Muxiyadiin ayaa wuxuu sheegay in ay jiraan sidoo kale baabuur ka soo talowda dhinaca Galmudug oo habeenkii soo gasha dhinaca Puntland si ay amni darro uga shaqeeyaan kuwaasi oo uu u diray digniin kama dambeys ah.
Halkaan Gujo oo Eedeynta Dhageyso









Sacado wat halay sen ejoogiya am nixumada caruur yar yar ayaat lay sen it is possible to live