Dhagayso: Shacabka Kismaayo oo ka cabanaya bandowga Xiliga hameenkii ah
Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka cabanaya bandowga xiliga hameenkii ah lagu soo rogo Magaalada Kismaayo kaasoo si wayn ay dadku cabasho oga muujiyeen.
Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Magalaada Kismaayo ayaa baaq u diray Saraakiisha Ciidamadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay ka codsanayeen in la joojiyo bandowga xiliga hameenkii ah lagu soo rogayo Magaalada.
Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay bandowgu in uu wax u dhimo isku socodka dadka iyo gaadiidka sidoo kalana uu xanibo howlo badan oo shacabka qabsan lahaa.








