Dhagayso: Xaalada Hargaisa oo dagan iyo Xiisad wali taagan
Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in tirada dadkii ku dhintay rabshadihii laxariiray doorashadii deegaanka oo lasheegay in lagu shubtay ay gaarayaan afar qofood halka dhawacuna tobaneeye lagu sheegay.
Rabshadahaasi waxa ay bilaawdeen kadib markii doorashada golaha deegaanka ee maamulkaasi ay ku tartamayeen xisbiya badan natiijadeedii qaar kamid ah xisbiya ay kuqanci waayen.
Madaxda maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay kooxaha rabshada wada in ay joojiyaan mudaaharaadka oo xal wax lagu raadiyo.
Dhanka kale, waxaa lasheegay in Police badan magaalada Hargeysa maanta ladhigay si looga hortago rabshado dheeraad ah oo dhaca.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in police-kaasi ay roondeynayaa casimada maamulkaSomaliland ee Hargeysa si ay meesha uga saaraan amaan darro dhaca.
Degmada Axmed-dhagax ee Magaalada Hargaysa,ayaa dhammaanba jidadka ka baxa waxa la soo dhoobay Ciiddamo Milatari ah iyo Gaadiid Tikniko ah oo ay wataan, kuwaas oo la dejiyey meelo ka mida Degmada Axmed Dhagax, waxaana meelaha ay xooga u degan yihiin ka mida Garoonka Kubada cagta ee Hargeysa Stadium.
Culimada Magaalada Hargaysa, ayaa khudbadihii Salaadii Jimciha Shalay ku soo qaaday rabshadihii Xalay iyo ilaa maanta ka dhacaayey Caasimadda, iyagoo tilmaamay dhibaatooyinka ka dhasha Cadaalad-xumada iyo waxyaabaha ay Diinta Islaamku ka qabto Doorashooyinka aan ku salaysnayn Shareecada Islaamka.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.








